Ey-gii Lagu Aasay Xabaalaha Muslimka.(Ali Biixi).

0
Thursday January 11, 2024 - 10:20:16 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ey-gii Lagu Aasay Xabaalaha Muslimka.(Ali Biixi).

    Dadkii baa Ninkii soo ashtakeeyay .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadkii baa Ninkii soo ashtakeeyay .


Waa duni aakhir sabaane Xaaraantii oo uu laaluush xalaaleeyey ila akhriya.
Waxa dhacday in xabaalihii dadka Muslimka ,
uu Nin ku aasay Ey.

Dadkii baa Ninkii soo ashtakeeyay .
Ninkii baa Nin wadaad ah u yeedhay,
oo waxa uu waydiiyay,


in hadalka iyo ashtakadaa laga soo gudbiyay sax tahay iyo waxa ka jira? Ninkii baa ku jawaabay: waa run.Ninkii wadaadka ahaa ayaa ku yidhi: siday ku dhacdaa in aad EY ku aasto xabaalaha dadka muslimka ah? Miyaanad ogayn in ay xaaraan tahay?

Ninkii ayaa ku jawaabay: EY-ga ayaa igula sii dardaarmay.
Waxaanu kaloo igula sii dardaarmay, in aan wadaadka siiyo lacag £1000 ah.
Wadaadkii markii ninkii lacagtii u dhiibay. Ayuu wadaadkii yidhi: EY-gani waxa uu ka soo jeeday, faracii EY-gii reer Ehlu kahaf oo ah EY-gii janada galay. Sidaas awgeed Ey-gani waa muslim. Oo xabaalaha muslimka ayuu xaq u yeeshay in lagu aaso.


Waxaad arkaysaa sida uu lasluushku u xalaalaynaayo , wixii xaaraanta ahaa,
oo dadka qaarkood u shaqeynayaan.

Oo wadaadadii iyo maxkamadihii u shaqeynayaan , oo cadaaladii laga tegey.
Xukuumadda iyi maamulka M.biixi sidaas ayuu u shaqeeyaa. Oo lacag urursi ayaa hor carartay. Sidaas awgeed dalka waa in laga badbaadiyaa M.biixi iyo xukuumadiisa.

Cali Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...