SSC-KHaatumo Oo Dagaal Ciidankeeda Saaka Dhexmaray Ka Hadashay .

0
Wednesday January 10, 2024 - 16:00:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SSC-KHaatumo Oo Dagaal Ciidankeeda Saaka Dhexmaray Ka Hadashay .

    "Hoggaamiyaha ayaa sheegay in ay nasiibdarro tahay in shaqaaqo noocaas ah ay ka dhacdo "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hoggaamiyaha ayaa sheegay in ay nasiibdarro tahay in shaqaaqo noocaas ah ay ka dhacdo "


Hargaysa (HWN) Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo uu weheliyo, Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka ayaa kulan degdeg ah la qaatay Isimada Dhaqanka iyo Waxgaradka Deegaannada SSC-Khaatumo, sida lagu sheegay war ay baahisay SSC Khaatumo.




Kulanka ayaa ugu horreyn Tacsi loogu diray dadkii wax ku noqday dagaal  saaka ka dhacday Maraaga.


Hoggaamiya ayaa Ilaahay ugu baryey in intii ku dhimatay Ilaahay naxariistii Janno uu ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna Eebbe u booga-dhayo. 


Hoggaamiyaha ayaa sheegay in ay nasiibdarro tahay in shaqaaqo noocaas ah ay ka dhacdo deegaanka, isagoona ballanaaaday in si adag loola xisaabtami doono cid kastoo masuul ka ahayd dhibta dhacday. 


Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka fulin-doono go'aankii uu ka soo saaray arrimaha hubka iyo gaadiidka dagaalka la xidhiidha.


Ugu danbayn, Hoggaamiyaha, Hoggaamiye ku xigeenka, Isimada Dhaqanka iyo Waxgaradka deegaanka ayaa kulanka kaga wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen muhiimadsa nabadda, adkaynta difaaca, dhismaha iyo taageerada Maamulka SSC-Khaatumo.



Maaha markii ugu horaysay ee sidan oo kale loogu dagaalamo gaadiidkii ay ciidanka SSC Khaatumo ka qabsadeen Somaliland, balse dagaalkan maanta waxa ka horeeyay dagaal kale oo sidan oo kale ay labada maleeshiyo isku dagaaleen gaadhi qori saaranyahay. 


 Dagaalkan maanta ayaana sababay dhimasho iyo dhaawac, sida uu sheegay maamulka SSC khaatumo.
Loading...
Loading...