Ex. Xildhibaan Xasan Shahar Oo Xukuumada Muuse Usoo Jeediyay Inay Xidho Wasiir Iska Casilay.
"Waxaana ilaa hada loo xidhay heshiiskaasi saxafiyiin iyo qaar kamid ah culumada "
Hargaysa (HWN) Ex. Xildhibaan Xassan shahar oo kamid ahaa golihii hore ee deegaanka dagmada Hargaysa ayaa xukuumada ugu baaqay inay Xabsiga dhigto Wasiirkii Gaashandhiga Somaliland oo xalay iscasilay .
"Inankan yari maxuu sheegayaa , cid baa la soo hadashey oo waanu ognahay , waa in maanta xabsiga la dhigaa”.
Sidoo kale Waxuu ku tilmaamay wasiirka iscasilay in uu yahay khaayinul wadan.
Wasiirka oo ka soo jeeda Beesha Ciise ayaa ku sheegay sababta uu isku casilay kadib markii ay Muuse Biixi isku fahmi waayeen heshiiska is-afgarad ee ay wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya.
xukuumada Muuse ayaa halkii ay bulshada usoo bandhigi lahayd qodobada heshiiska Is-afgarad umuuqata inay cadaadis iyo xadhig iskugu darayso cidii ka hortimaada heshiiskaas.
Waxaana ilaa hada loo xidhay heshiiskaasi saxafiyiin iyo qaar kamid ah culumada iyagu ka horyimid heshiiska.
Hadhwanaagnews.
Hargaysa/Office.
Loading...
Loading...