War Degdeg Ah: Wasiirkii Gaashaandhigga Somaliland Oo Iscasilay & Sababta.
"Caateeye, ayaa ka soo jeeda gobolka Selal"
Hargaysa (HWN)Wasiirkii Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Caateeye fariid, ayaa iska casilay xukuumadda madaxweyne Biixi, sababo la xidhiidha heshiiska Is-fahan ee Ethiopia iyo Somaliland todobaadkan ay wada gaadheen.

Wasiirka ayaana intaasi ku daray in bada Muuse Biixi siiyay Itoobiya, isagoo meeshana ka saaray wararka sheegaya in la kireeyay.
Caateeye, ayaa ka soo jeeda gobolka Selal, waxana uu saaxiib dhaw la ahaa madaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo xoguhu sheegayaan in aanu raali ka ahayn heshiiska ay wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya.
Weli xukuumada Muuse Biixi kamay hadal iscasilaada wasiir Caateeye.
Loading...
Loading...