Dawlada Somaliya Oo Shaacisay Khayraad Ku Jira Bada Somaliland Siinayso Itoobiya.

0
Sunday January 07, 2024 - 18:24:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dawlada Somaliya Oo Shaacisay Khayraad Ku Jira Bada Somaliland Siinayso Itoobiya.

    "Waxaa ku jira meeshaan ay rabaan in la siiyo Itoobiya laba "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa ku jira meeshaan ay rabaan in la siiyo Itoobiya laba "


Hargaysa (HWN) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xog cusub oo ku aadan kheyraad ku jira dhul badeedka Muuse Biixi Cabdi u saxiixay dowladda Itoobiya ee kuyaalla aaga Seylac .



Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka dowladda ayaa shaaciyay in kheyraad  fara badan oo dabiici leeyahay dhulka dowladda Itoobiya hadda dooneyso in ay qaadato.


Waxa uu sheegay wasiirka in aaga dhulka Somaliland u saxiixday dowladda Itoobiya horey looga helay labo ceel oo shidaal ah ”Waxaa ku jira meeshaan ay rabaan in la siiyo Itoobiya laba ceel oo shidaal ah oo horay baaris loogu sameeyay, khayradkaas iyo kuwa kale oo uu Alle ku maneystay baddeena iyo dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa gacanta loo gelinayaa cadow” ayuu yidhi Wasiir Xagaa.


Wasiir Maxamed Cali Xagaa ayaa Muuse Biixi ku eedeeyay in dhibaato badan u horseeday dadka uu hoggaamiyo, waxa uuna nasiib-darro ku tilmaamay in Muuse oo 80-sanno jir ciidan soo noqdo cadaw u saxiixo dhulkii dhaxalka u ahaa.


Muuse Biixi ayaa isnuucii hore Ra’isul Wasaaraha Itoobiya u saxiixay dhul badeed gaaraya 20-km , waxa ayna heshiiskaasi biyaha Soomaaliya ku wareejinayaan ku bedelanayaan Somaliland aqoonsi ay ka helaan Itoobiya.
Loading...
Loading...