Saadaasha Dani inuu dib-usoo laabto 8da January 2024

0
Sunday January 07, 2024 - 15:35:31 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Saadaasha Dani inuu dib-usoo laabto 8da January 2024

    Haddaba, hogaamiyaha waxaa lagu qiimeeya wuxuu ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaba, hogaamiyaha waxaa lagu qiimeeya wuxuu ...


Saciid Cabdulahi Dani, wuxuu nasiib u yeeshay inuu noqdo madaxweynihii lixaad ee Puntland hogaankeeda soo qabta.


Balanqaadkiisii wax badan baa u hir-galay, wuxuuna nasiib-uyeeshay inuu Dorasho qof iyo cod ah ka hirgaliyo 33 degmo oo si degan u dhacday, soona doorteen xildhibaanadii deegaanada iyo guddoomiyaashii degmooyinkaas. Waxaa u gacan ciidan, taakulo dhinac walba ah iyo mid siyaasadeed u fidiyey SSC KHAATUMO oo maanta madax banaan iyo dhulkii Sanaag Bari oo si dhib yar oo dhiig ku daadan uga baxday gacantii Somaliland, doorashadana qayb ka noqotay; Wuxuu dhisay oo dhameystiray wadooyinkii dayacnaa intoodii badnayd; weynayntii iyo dayactirkii dekadda iyo eerapoorka (Airport) Bosaso iyo dhamaystirka iyo taakulayntii dekedda Garacad.



Haddaba, hogaamiyaha waxaa lagu qiimeeya wuxuu qabtay iyo balantii uu qaaday wuxuu ka oofiyey ama ka fuliyey; Dani balantiisii waxaa ugu weyneyd oo u suuragashay: waa inuu qayb-weyn ka qaatay xoreynta dhulka SSC KHAATUM iyo Sanaag Bari iyo inuu Doorasho qabtay, waana wax weyn oo lagu dooran karo.


8da January 2024, si ay noqon Allaa og, laakiin rajada doorasha DANI waa sareysaa, cidda la-saadaaliyana waa Saciid Cabdulaahi Dani.

Mahamud J. Farah

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...