Faisa Farah Suusle Oo Taageertay Muj. Axmed Mire, Fariina Udirtay Garxajis.

0
Sunday January 07, 2024 - 14:37:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faisa Farah Suusle Oo Taageertay Muj. Axmed Mire, Fariina Udirtay Garxajis.

    "Dhinaca kale Faisa ayaa ugu baaqday dhamaan Beesha garxajis ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhinaca kale Faisa ayaa ugu baaqday dhamaan Beesha garxajis ..."


Hargaysa (HWN) Faisa Cheif Caaqil Farah Suusle oo kamid ah qurba joogta Somaliland ee ku sugan dalka Ingiriiska ayaa taageero wayn umuujisay hadalkii uu dhawaan jeediyay Mujaahid Axmed Mire ee uu kaga horyimid  heshiiska is-afgarad ee Muuse Biixi sheegay in bad lagaga kiraynayo Itoobiya.




Faisa Cheif Caaqil Farah Suusle oo la soo xidhiidhay shabakada Hadhwanaagnews ayaa intaasi ku dartay in wax  lala yaabo ay tahay heshiiska is-afgarad ee ka soo yeedhay Somaliland.


Dhinaca kale Faisa ayaa ugu baaqday dhamaan Beesha garxajis inay kudaba Faylaan Mujaahid Axmed Mire, meeshana ka saaraan balan qaadka beenta ah ee ku saabsan inay doorasho ka dhacayso Somaliland.


Ugu dambayntii waxay Faisi ku adkaysay Beesha Garxajis inay weeleeyaan talooyinka iyo hoga tusaalaynta uu Mujaahid Axmed Mire ku sheegay waraysi uu dhawaan siiyay warbaahinta, kaasi oo nuxurkiisu ahaa inayna suura gal ahayn in bad lasiiyo Itoobiya.


Hadhwanaagnews
Hargaysa/Office.


Loading...
Loading...