Digo Iyo Dambas Baa La Kala Iibsaday.

0
Sunday January 07, 2024 - 12:16:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Digo Iyo Dambas Baa La Kala Iibsaday.

    Muddada heshiisku wuu ka badnaan karaa 50 sanno

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddada heshiisku wuu ka badnaan karaa 50 sanno



La-taliyahq R/Wasaare Abiy, Redwan Hussein, sidan ayuuv u macneeyey is-fahamkii Ethiopia iyo Somaliland ee 01.01.2023. Qodabada ugu mudnaa hadalkiisana waa kuwan;


 

1. Ethiopia weli qiimayn lacageed kuma samayn qiimaha dhulka iyo badda ay heli doonto. Laakiin markay dhulka iyo badda sugto ayey qiimayn doontaa saamiga u dhigma ee shirkadda dayuuradaha ee Ethiopia.



2. Ethiopia ma siinayso aqoonsi SL, laakiin wuxu aqoonsigu ku xidhan yahay hadba sida uu u hirgalo saldhiggu iyo hanashada badda la noo qoondeeyey.


3. Muddada heshiisku wuu ka badnaan karaa 50 sanno; wuxu noqon karaa ilaa 100 sanno.

4. Goobta la noo ballanqaaday waa xeebta Lughaya.

Maxaa lagala soo dhexbixi karaa hadalka Mr. Hussein?


A. Aqoonsi ma jiro ilaa ay Ethiopia Ujeedadeeda gaadho: hanashada dhulka iyo badda.

B. Lacag/kiro ahi ma jirto ee qooondo saami shirkadda dayuuradaha ee Ethiopuaayaa la cayimi doonaa.

DIGO IYO DAMBAS AYAA LA KALA IIBSADAY.


Kolaa muxuu Biixi ka faa'idayaa?

Wuxu sahal u heli doonaa hub uu dadkiisa ku cabudhiyo, xukunka ku sii haysto ilaa 7da sanno ee socda, Laascaanood ugu duulo.


Shacab Somalilandoow, war dulimigiina ha ka qaygelina; hadhowna qoomamaysaan.

 

Wa billaahi towfiiq

Waa

M A Ahmed

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...