"Taariikhda iyo dhacdooyinkuba iyaga ayaa isa soo celiya"

0
Sunday January 07, 2024 - 11:09:10 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Taariikhda iyo dhacdooyinkuba iyaga ayaa isa soo celiya"

    "Hadda iyo tusmadayda oo talo xanbaarsan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadda iyo tusmadayda oo talo xanbaarsan"



Sanadkan 2024-ku waxa uu u muuqaal iyo astaamo eegyahay gu'gii Xornimada Somaliland ee 1960-kii. Waa markii ay Reer Somaliland heleen ama hantiyeen Madaxbannaanidii iyo Xornimadii ay ka qaateen Dalwaynihii Isticmaarka ahaa ee Ingiriiska. Waa markii ay Dawladnimadii ay heleen kula midoobeen Walaalaha Koonfureed. Kuwaas oo haystay 10 sano oo Tababbarka Dawlad dhiska ah, oo Talyaanigu gaadhsiiyay, ee isla gu'gii 1960-kii, bishii Juley 1-deedii, xornimada helay. Hargaysa waagaa waxa ka jirtay cadho loo qabay Gumaystaha Ingiriiska oo Dawladda Ethiopia ku wareejiyay dhulkii la odhan jiray Hawd and Reserved Area.



 

Waa tii la odhan jiray "Rag ciil cadaab ka dooray" waagaas iyo waaqaas dadka reer Somaliland ciil Ethiopian waxa ay ka doorteen in ay la jaal noqdaan Walaalahooda Koonfureed. Tolow maanta maxay samayn doonaan, ilayn labada dhacdo iyo labada taariikhood waa isku dhigmaan ama waa isku eeg-eegyihiine?

 

Cagta dhigi lahaydaa,

Sida socod curyaaniyo,

Cutin iyo culaysiyo,

Camlsamida miisaan,

Ku culaysin lahaydaa,

Canbarkiyo udgoonkana,

Caraftiisa nuugtaa,

Aadyar caalamkoo idil,

Ka cawaysin lahydaa,

 

Waxa kale oo Somaliland ka jirtay cabsi xoogan oo laga qabay Dawladda Ethiopia, taas oo ku saabsanayd in Boqortooyada wayn ee Guunka ah ee Ethiopia ay cagta mariso Somaliland iyo Hargaysa iyo Berbera. Cabsidii iyo cadhadii xooganayd ee Gumaystaha Ingiriiska loo qabay iyo tuhunkii Boqortooyada Ethiopia laga qabay baa keenay in Reer Somaliland si bilaa shuruud ah ay ku doonaan Walaalahooda Koonfureed. Marka ay labadaas mideeyaanna ay doonaan oo baadigoob iyo raadraac u galaan kuwa kale ee maqan ee ay ka midka yihiin; NFD, Jabuuti iyo Jigjiga. Riyadaasina waa tii Goblantay ee Gasiirad iyo Garawsho la'aan noqotay.


 

Boqortooyada waagaas waxa maamulaayay Boqor la odhan jiray "Boqor Xayle Salase" kaas oo ahaa Axmaari, isla markaana ahaa nin dhuuban oo sandheer oo sinjiga iyo sawraca Soomaalida leh, kaga darane wuxuu ahaa nin oday ah oo si wacan u yaqaanna dhaqanka Soomaalida iyo waxa mideeya iyo waxa kala kaxeeya. Maantana Dawladda Federalka Dimoquraadiga ah ee Ethiopia waxa maamula nin Raysalwasaare ka ah oo la yidhaahdo Aby Axmed Cali, oo Oromo ah, kaas oo isaguna leh farsamo lagu toojin karo Soomaalida. Labaduba waxa ay leeyihiin qadiyad Ethiopian nimo oo lagu hanan karo Dhul iyo Bad Soomaalidu leedahay.


 

Arrinku marka uu sidaas ahaa oo cabsida iyo cadhada intaas leeg ay ka dhex jirtay dadka Reer Somaliland; waxa ku lammaanayd in Siyaasiyiintii ama Xisbiyadii Reer Somaliland ee xornimo gaadhsiinta ahaa ee kala ahaa " SNL, NUF iyo SPU" ay ku kala aragti duwanaayeen qaabka Xornimo qaadashada iyo kadib waxa la samaynayo. Qaarkood waxa ay aaminsanaayeen in Xornimada la todoba bixiyo, oo aan Koonfur lagu degdegin, qaar kale na waxa ay aaminsanaayeen in degdeg loogu biiro Koonfurta Soomaaliya. Balse si ay wax noqdeen ba dhanka degdega iyo Midawga Koonfureed ayay Dadkii Reer Somaliland iyo Dawladdoodii ba u ciireen, taas oo dhacday 01-07-1960-kii.


 

"Taariikhdu ma arxanto, mana naxariisto".

 

Maalmuhu isku eegaa

Waayuhu sirgaxanaa

Sillanaa ayaamuhu

Soo salal madoobaa

Surinnadu afsaariyo

Saw buuxsin badanaa

 

Taariikhdaas xage sare ku xusan mid la mid ah bay maantana Reer Somaliland ku jiraan oo waxa ku dhex hirdamaya laba aragtiyood oo kala xanbaarsan Ethiopia ayaa ina liqaysa iyo inama liqayso ee waynu kala shaqaysanaynaa. Qayb leh Soomaalida kale cid nooga dhawi ma jirto iyo qayb leh Ethiopia ayaa ina xigta oo Aqoonsi Caalami ah inoo haysa! Bulshada Koonfurtuna waxa ay taagan yihiin, annaga ayaa idin doonayna, annaga ayaa idin jecel, annaga ayay wax waliba naga go'aan ee walaalayaal soo baydha oo baylah ha u noqonina "Haadka iyo Haadraawaha". Midka runta ah maalmaha iyo waayaha ayaa kala sooci doona.

 

Sanadkii 1960-kii, Wafti Reer Somaliland ah oo uu hoggaaminayay M.X. Ibrahim Cigaal AHN-tee, oo ahaa hoggaankii ugu sarreeyay Somaliland waagaas, baa tagay Caasimadda dalka Ethiopia ee Addisababa, kuwaas oo la Boqor Xayla Salase la soo kulmay oo kala hadlay arrinka Dhulka "Hawd and Reserved Area". Waftigaasi waxa ay diidmo kala kulmeen Boqor Xayle Salase, iyaga oo cadhaysanna way soo laabteen.

 

Maantana Wafti heer madaxwayne oo uu hoggaaminayo Madaxwayne Muuse Biixi ayaa tagay Caasimadda dalka Ethiopia ee Addisababa, waxa ayna la soo kulmeen Raysalwasaaraha dalka Ethiopia Aby Axmed Cali, kuwaas oo la soo saxeexday "Heshiis Is-afgarad". Kaas oo sheegaya in Ethiopia la siiyo ama laga kireeyo Dhul Badeed iyo adeegsiga Biyo Badeed oo Badda Somaliland ah. Waligaa ninkaa xoogwayn oo dariskaaga ah waxba lagama kireeyo, lamana siiyo. That is forbidden???? and impossible to do.

 

Labada dhacdo iyo labada taariikhood ba waa isku sidkan yihiin oo waa isku astaamo, berigaas na Ingiriis baa Dhulkeenii siiyay Ethiopia, maantana Muuse Biixi baa Bad iyo Dhul ba si dhib yar oo hal kelmad iyo hal daqiiqo (One minute and One word) ah ku bixiyay Bad iyo Dhulba"! Saw maaha laba sawir oo aad iskugu eeg-eeg oo shabahaad iyo shawahaad ba isku leh. Allow Sahal Amuuraha.

"Hadda iyo tusmadayda oo talo xanbaarsan"

 

Taladaydu waxa ay tahay uun intan; Reer Somalilandnoow walaalayaal idinka oo wada jira oo aan kala jirin, miiska isqancinta, isdhagaysiga, ismaqalka iyo kala garqaadashada iskugu taga oo tag-googada, tamarta, tayada, tilmaanta iyo taladaba mideeya. Waxa aan idin leeyahay; Caano ayaa la wadaagaa ee hadal lama wdaagee; dhibka iyo dheeftaba wadaaga oo garta dantiina iyo mustaqbalka Somaliland iyo ummaddiinaba.

 

Maxaad Ogaatay?

 

ASA

 

W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...