Yuusuf Garaad Oo Ka Hadlay Saxafiyiin Ay Somaliland Xidhay.
Hargaysa (HWN) Yuusuf
Garaad ayaa ka hadlay xadhig ay
xukuumada Somaliland ugaysatay saxafiyiin ka tirsan MM-TV oo xalay Hargaysa
lagu xidhay, xili ay wadeen dood ku saabsan heshiiska is-afgarad ee ay wada
gaadheen Somaliland iyo Itoobiya.
Yuusuf ayaa qoraal uu
baahiyay oo uu kaga hadlayo xadhiga saxafiyiintan ku yidhi sidan.
"Dood lagu falanqeynayo faa’iido iyo halis
waxa ku jiri kara heshiiska Somaliland iyo Ethiopia oo dhowr kun oo ruux ay soo
galeen khadka ayaa xalay waxaa twitter Spaces ku marti geliyay MMTv, oo
xaruntiisu ay tahay Hargeysa.
Maxamed Ilig oo ah
milkiilaha MMTv iyo Cabdishakuur Dayib oo ah Agaasimaha ayaa hadalka u
qeybginayay Mas’uul Sarę oo Somaliland ah, Faysal Cali Sheekh oo Hargeysa la
jooga iyo aniga oo Xamar jooga. Waxaa khadka ku jiray laba kun iyo dhowr boqol
oo Soomaali ah.
Mar keliya ayay hawada
ka baxday.
Maanta waxaan maqlayaa
in Booliisku doodda oo socota ay u dheceen xarunta TV-ga, xabsigana ay u
taxaabeen Mikiilaha Tv-ga Maxamed Ilig iyo hawadeennada kala ah Ilyaas
Cabdinaasir iyo Maxamed Cabdi Cabdillaahi (Andar).
Aad ayaan uga xumahay
xarigga saddexdaa dhallinyarada ah.
Dooddu waxay ahayd mid
kulul, markii loo fasaxay dadweynuhu in ay su’aalo na weydiiyana, laba rac oo
su’aalo ah, hal su’aal marka laga reebo aniga ayay igu socdeen ama si kale
haddii aan u dhigo waxay u xaglinayeen mowqifka Dowladda Somaliland.
Waxaan is leeyahay
mas’uul Somaliland ah oo xasil u dhegeystay doodda oo inteeda badan la sii
daayay in aanuu go’aan ku qaateen in uu dhowr kun oo dunida dacalladeeda jooga
oo khadka ku wada jira uu markhaati uga dhigo xarigga saddexda.
Waxaan ka codsanayaa
Madaxda amarkeeda leh in ay xabsiga ka sii daayaan weriyayaasha.”