Liiska Musharaxiinta Madaxwayne Ee Puntland Oo Lashaaciyay & Khudbado Ay Jeedinayaan.
11 Murashax oo isu
diiwaan galiyay in ay ka qaybgalaan doorashada Madaxweynaha Puntland ee shanta
sanno ee soo socota ayaa goordhow hadal jeedin ka sameyn doona fadhi ay
leeyihiin xildhibaannada cusub ee Barlamaanka Puntland.
Madaxweynaha xilku ka
dhamaanayo Siciiid Cabdilaahi Dani, Madaxweyne hore Cabdiwali Gaas, labo wasiir
arimo dibadeed oo horey xilal uga soo qabtay Dawladda Federaalka, iyo xubno
kale oo xilal sare uga soo qabtay Maamulka Puntaland ayaa ku loolami doona
doorashada oo beri ka dhici doonta magaalada Garoowe.
Xildhibaannada
Barlamaanka Puntland oo ka kooban 66 xubnood ayaa codeyn doona, iyadoo
murashaxii ugu cod bata wareegga ugu dambeeya ama murashaxa wareegga koowaad
hela codadka sedex meelood labo meelood uu noqon doono Madaxweynaha cusub ee
Puntland.
Xildhibaannada ayaa
sidoo kale maanta dhagaysan doona khudbadaha murashaxiinta u tartamaya xilka
Madaxweyne Kuxigeenka oo iyana gaaraya 11 xubnood.
Puntaland waa maamulka
kaliya ee waqtigeeda ku qabta doorashada Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa marka
la eego Maamullada kale ee Soomaaliya, taas oo aad loogu amaanay.