Xukuumada Muuse Biixi Oo Xabsiga Utaxaabtay Saxafiyiin Ka Tirsan MM-TV.
"Askar ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa xalay soo weeraray Xarunta MM-TV ee Magaalada
Hargeisa, Halkaas oo ay dhibaato iyo gacan ka hadal ugu gaysteen Maamulka iyo
xubno ka tirsan hawl-wadeenada shaqada ku sugnaa oo kala ah:-
1) Maxamed Abdi Ilig
(Guddoomiyaha MM-TV)
2) Ilyaas Cabdinaasir
3) Maxamed Cabdi
Cabdilaahi (Andar).
Ciidamada falka gaystay
ee sida fawdada ah usoo weeraray MM-TV, waxay burburiyeen qalabkii yaalay
xarunta qaybna way qaateen, waxa kale oo ay joojiyeen dood ka socotay Barta
Twitter-ka ee TV-ga dooddaas oo ku Saabsanayd —" Faa’iidada iyo Halista uu
yeelan karo Isfahamka Badda ee Somaliland iyo Ethiopia” dooddaas oo aanay
marnaba ku jirin wax dambi iyo xadgudub ah oo uu ka qaybgalay Mudane Faysal
Cali sheekh oo ah Masuul culus oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland.
Dhanka kalena uu khadka
kaga jiray Mudane Yuusuf Garaad Cumar, oo Xilal kala duwan kasoo qabtay
xukuumadda Soomaaliya.
Mudane Faysal Cali
Sheekh, ka hor intii aanu ka qaybgalin doodda waxaa la ogaa si dhawna ay usoo
wada hadleen masuuliyiinta sare dawladda oo ka warqabay in uu doodda ku
matalayo iyagu aqbalay oo ku ogaa, dood midho dhal ah ayuuna ka dhiibtay
falanqaynta socotay.
Lama oga waxay
qoonsadeen Mana jirto sabab wax aan dambi ahayn loogu dhibaateeyo Suxufiyiin
iyo xarun warbaahineed oo ay shaqadeeda tahay in ay xaaladaha jira ay u tabiso
umadda, oo warbixin iyo doodba laga sameeyo maadaama ay tahay shaqo
saxaafadeed.
Maamulka iyo Shaqaalaha
MM-TV, waxay cambaaraynayaan weerarka iyo xadhiga sharci darrada ah ee lagula
kacay Maamulka MM-TV iyo xubnaha shaqaalaha ah.
Waa gaf, awood
sheegasho, cabudhin, ku tumasho sharci iyo kalsooni darro haysata dadka
arrintan ka dambeeyay.
Waxa aanu ugu baaqaynaa
xukuumadda Somaliland in lasii daayo guddoomiyaha iyo xubnaha laga xidhay
MM-TV, baadhitaana lagu sameeyo xadgudubka iyo Burburinta loo gaystay Xarunta MMTV
oo ka ay leeyihiin muwaadiniin kana Mid
ah cashuur bixiyeyaasha waddanka.
Abdishakur Dayib,
Agaasimaha Guud ee
MM-TV.”