Muuse Biixi Oo Kulan Ka Dalbaday Xisbiyada & Ururada Somaliland.
"Xisbiyada iyo Ururada ayaa lookala diray martiqaad kala gooniya"
Hargaysa (HWN) Muuse Biixi, ayaa Xisbiyada iyo
Ururada siyaasada u diray Martiqaad uu ku dalbanayo in beri ay kulmaan, sida
lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.
Xisbiyada iyo Ururada ayaa lookala diray martiqaad
kala gooniya, inkasta oo kulanku isku saacad la sheegay inuu dhacayo, kaasi oo
ka dhigan in uu isku mar Muuse Biixi lawada kulmayo Ururada iyo Xisbiyada.
Ma cada ujeedada Muuse Biixi uu ugu yeedhay
Xisbiyada iyo Ururada balse waxa la filayaa in ay kawada hadlaan Arinta Badda
ee Itoobiya.
Loading...
Loading...