Sacad-Muuse oo gabadh ay dhaleen dhacay ooka oohiyey

0
Saturday January 06, 2024 - 18:08:13 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacad-Muuse oo gabadh ay dhaleen dhacay ooka oohiyey

    Arrinkan beesha Sacad-Muuse ha u istaagaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arrinkan beesha Sacad-Muuse ha u istaagaan



Annagoo ah waxgarad iyo aqoonyahan kasoo jeeda beesha isaaq ee togdheer waxaa aad noo damaqday oo aad aanu uga xumaannay in beesha Jibriil-Abbokor ee sacad muuse ay ku dhex ooydo inanta ay dhaleen ee kusoo dhex kortey oo ay ka qaban waayeen ninka intuu dhacay weliba ku yidhi adigoo ogaadeen ah waxba igama qaadi kartid.



Waxaa inantu iyadoo ooyeysa ay sheegtey arrin anfariir iyo u qaadanwaa ah oo aan ka suuragaleen reer kale oo reer sheikh-isaxaaq ah oo ah in qof ay dhaleen oo la jooga wixiisa loo dhaco reer kale ayaad tahay.


Arrinkan beesha Sacad-Muuse ha u istaagaan oo haddii qoladaas inantu u dacwootey ee waxba u qaban waayey ay ceebta magaca guud saaran ee xataa magaca isaaq saaran degdeg wax uga qabtaan. Waar maxaa maatada idinku dhex nool ee aad dhasheen aad qof xun oo doqon ah oo tuug ah ugu eegaysaan?.


Waar xaggaa ogaadeen isku aragteen?, ogaadeen haddii aad dooneysaan ordoo halkay joogaan ugu taga laakiin inanta ooyeysa xaqeeda siiya.


Sida aynu u kala duwannahay tusaale immikadaas waxa dhulka ka dhacay la arko maalin kasta safarro ogaadeen ah iyo kuwo Dhulbahante ahi wey yimaaddaan burco xataa xoolahooda waa ka iibsadaan, kuwii aanu dhallay ee daarood oo dhan ahaa ayaa nagu dhex nool oo aan far lagu fiiqi Karin haddaanu reer togdheer nahay. Ugu danbayn arrinkani waa CUQUBO weyn oo ku habsan doonta dadkaas xataa odayadoodii dulmiga iska qaban kari la,yihiin ee inanta Sacad-Muusow waxeeda siiya oo dhaqanka beeralayda joojiya.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...