Dameerkii Guriga Dushiisa La Saaray (Abdi-Shotaly)

0
Saturday January 06, 2024 - 12:09:46 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 711
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dameerkii Guriga Dushiisa La Saaray (Abdi-Shotaly)

    * N.B Dameer Malab La Saaray Muxuu Ka Yaqaan Maamul!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Dameer Malab La Saaray Muxuu Ka Yaqaan Maamul!


Nin ayaa Dameer soo iibsaday , markaasaa halkii guriga hoose uu meel kaga xidhi lahaa ,
Ayuu waxa uu ku xidhay Guriga dushiisa, inkasta uu dhib badan kala kulmay in uu fuushiiyo guud aqalka uu ku noolaa si


magaaladda uu degan yahay u daawisiiyo.Hadaba Intii aanay qoraxdu dhicin. Halkaa markay maraysay ayuu ninkii is yidhi dameerka dusha ka soo rog oo dhulka keen, nasiib darro

Dameerkii ayaa diiday in uu soo dego, ninkii xadhig ayuu u soo qaatay in uu ku soo jiido, laakiin-se way u suuro geli waday in uu ku guulaysto, waana uu ka quustay in uu Guriga dushiisa ka soo rogo,
oo meeshii ayey isla rafteen, guriiggii ayaa gariiray, oo ninkii ka baqay in uu la dumo, ka bacdina ninkii keliggii buu soo degay markii uu dameerkii u taag waayey, guriggiina uu dumi gaadhay.


Intaasi markii ay dhacday, baa si deg-deg ah ayuu ninkii caruur-tiisii iyo xaas-kiisii gurigii kala baxay, inta aanu ku soo dumin oo aanu khasaare intaa ka badani ku iman reerka, wax yar ka dib ayuu gurigii dameerkii la soo dumay, oo uu halkaas ku dhintay dameerkii qun yar soo deg loogu taag waayey, micnuhu waxa weeye
hadii qof aan u qalmin aad geyso ama meel sare saarto,
Oo madax ka dhigato,

waxaad ogaataa in uu kugu soo dumin doono meeshii aad saartay, dhibaatadda ka dhalataana ay adiga dib kuugu soo noqoto, fekred la'aantii aanay ka fiirsanina ay ka daba tag noqonayso uun. Maah-maahdii ahayd " Fari Tog-dheer Bay Kula Xushaa" ujeedadu waxa weeye, kolkay ku saameyso xumaantii ka soo baxday hubsasho la'aantii ficilkii aad hore ugu kacday, ee aad is tidhaaho hagaaji, khaladdii aad samaysay, way kula fogaataa, oo meel dheer bay kula tagtaa, sidda imika haysata ummaddii Reer S/Land ee ay derbiga uga soo go'een, ee uu jiho-wareerku ugu dhacay, taas oo ka timi, Askariggii ay fooqa saareen, isaga oo haba-yaraatee wax fekred ah ka haysan maamul iyo taladdii, ee kabo waaweyn uun la soo dhex galay iyo dhego la'aan aanu wax-ba maqlayn, weliba isaga oo sifahaas leh, bay u sii dheer tahay, beello la coloaw, cuqdad iyo xaqdi uu u qabo in gaar ah, taas oo aad arkaysaan halkay dalkii dhigtay, dadkiina u kala eriday, waana taas la maarayn kari la'yahay siddii loo xalili lahaa amuuraha uu beeray " Raggii ma adigaa ka hadhay" iyo Casaabadda daba fadhidda ee lagu adeegto, loona maqaar saaray beelaha. Kuwaas oo xil iyo maxaad xadaan u googo'ay, waxa kale-na aan naf u hayn.

Aynu soo koobno xaaladda askariga " Xaafad-tooyad'e" waxa ugu wacan kibirka isaga oo " Meel aanu u qalmin la saaray" Haduuse sidda dameerka sare ku yaal soo dhacay, oo dhimanayaa ee wax yar suga isaggii baa is dabaye. Akhristaw, wixii hore-ba soo dhaaf, wadaadkii waalaa ee ina Cabdile Xasan, wixii madax maray waxay ahaayeen, aad boqor-tooyo samaysatid, ay isaga iyo caruur-tiisu iska dhaxlaan, sidda Sacuudiga oo kale. Wadaadka kor ku qoran baa markii Berbera uu joogi kari waayey, ee cagaha wax ka deyey, ee oohintii ka dhacaysay lahaa " Adiguba Caqlaad Leedahee, Carar Maxaa Dhaama Caamir waa saleelee, anaa haatan caymadiye" muwaadin, wixii hore-ba waa bikh iyo ina wax kama jiraan, ee waaliddii asalka ahayd waa tan iyadda oo maryii madaxa ku duubatay, iyadda oo ka dhacday Caasimadda Addis-Ababba, taas oo dhulkii laga iibiyey Itoobiya.Arintani waxay la mid tahay tantaoomadaas gacanta oo dhegta gasha, taas oo aan sinaba u suuro gal ahayn, mana soconayso waxa uu walaaqayaa, mana bixin karo iribad caaradeed oo dhul-keena ka mid ah, ee waa kiis iska waal, ictiraaf uu sidaa ku helayaan ma jiro iyo wax uga soconayaa, kuwa durbaanka u garaaca-yaana waa qaar xil ku ilaasha-naaya, oo ay diintoodu tahay " Digsi Xagato" calooshoodda u shaqaysta-yaal oo qudha. Sidaas awgeed

Ka soo degi maayo
Isaga oo ku dhinta mooyee.

* N.B Dameer Malab La Saaray Muxuu Ka Yaqaan Maamul!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...