Libaaxii iyo Dameerki Ethiopianka ( Ali Biixi) .

0
Saturday January 06, 2024 - 12:08:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Libaaxii iyo Dameerki Ethiopianka ( Ali Biixi) .

    Xikmadu waa cagahaaga ha ku doonan halaagaaga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xikmadu waa cagahaaga ha ku doonan halaagaaga.



Libaax ayaa soo weeraray Dameero badan oo me el wada jooga.
Kuligood way ka wada yaaceen,
mid qudha ayaa isku soo taagay Libaaxii.



Libaaxii inta uu iska dhigay mid ka baqanaaya. Ayaa Dameerkii u qaatay,
in Libaaxii ka baqday .

Kadibna Libaaxii dib ayuu uga gurtay, Dameerkiina inta uu iscajabiyay oo isu riyaaqay , ayuu sii eryaday.

Dameerkii waxa uu u galay Raxan Libaaxyo ah oo meel ku sugaysa oo uu afka ka geliyay Libaaxii .

Inta uu Dameerkii isku kaajay ayuu yidhi: waa hubaal in aad I cunaysaan ee su'aal aan waydiiyo Libaaxii nacaska ahaa ee fulaha ahaa (maxaad iiga soo carartay ee aad isaga kay celin wayday? .

Libaaxii ayaa ugu jawaabay : sharad ayaan la galay saaxiibadayda Libaaxyada ah ,
in aan cunto ugu keeni doona halkooda iyaga oo isk fadhiya ,
oo aan ugaadhsi tegin,
oo Dameer caqli oo doqon xun ah ,
aan u soo hogaamin doono.

Markaa qofka caqliga xun ee doqonka ah ee isla weyni ,
isagaa dabinka isgeliya ,
oo caqligiisa ku doonta mawla kulmeedkiisa.

Sida maanta uu M.biixi sameeyay ee dalkii S/L uu ka iibinaayo Xabashi ee dhulkoodii ku soo hogaaminaayo .
Isaga oo Ethiopia afka uga gelinaaya.

Xikmadu waa cagahaaga ha ku doonan halaagaaga.

Cali Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...