UK Iyo Denmark Oo Ka Hadlay Xiisadda Ka Dhalatay Is-Afgaradkii Somaliland Iyo Itoobiya
Dalalka UK iyo Denmark
ayaa sheegay inay taageerayaan madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee
Soomaaliya kadib markii Is-afgarad ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya.
Is-afgaradka ay la
gashay Itoobiya, ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga
kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand "u fidinayso
aqoonsi.”
"UK waxay ka walaacsan
tahay xiisadda kasii dareysa ee Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo
baxay safaaradda UK ee Soomaaliya, kaasi oo lasoo dhigay barta X.
"Waxaan dib u
xaqiijineynaa xushmadda buuxda ee aan u hayno madax-banaanida iyo midnimada
dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya,” ayey ku dartay.
"Waxaan ku baaqeynaa
is-xakameyn iyo wada-hadal si hab nabadeed loogu xalliyo arrimaha.”
Sidoo kale, safaaradda
Denmark ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ku sheegtay inay
saaxiibada caalamka kula biireyso walaaca ay ka qabaan xiisadda Geeska Afrika.
"Waxaan carabka ku
adkeynaynaa ixtiraamka buuxda ee aan u hayno midnimada-dhuleed iyo
madax-banaanida Soomaaliya, waxaana ku boorinaynaa dhinacyada inay nabadda
ilaaliyaan, oo ay raadiyaan wadahadal xal nabadeed waara loogu helo arrimaha,”
ayaa lagu yiri qoraalka.
Dowladda Soomaaliya
ayaa is-afgaradka ku tilmaamtay "daan-daansi” ay Itoobiya ugu xadgudbeyso
madax-banaanida Soomaaliya, waxayna ka codsatay Qaramada Midoobe iyo Midowga
Afrika inay kulamo deg deg ah ka yeeshaan arrintan.
Madaxda Somaliland ayaa
sheegay in heshiiska uu dhigayo in Itoobiya "ay si rasmi ah u aqoonsan doonto
Jamhuuriyadda Somaliland,” balse tani ma aysan xaqiijin Addis-Ababa.
Itoobiya iyo Somaliland
ayaa labaduba difaacay is-afgaradka.
La-taliyaha amniga
qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Redwan Xuseen ayaa ku sheegay bartiisa X
in in is-afgaradku yahay "tallaabo loo qaaday jihada saxda ah.”
Waxa uu sheegay in
dawladda federaalka Itoobiya is-afgaradka ay la gaartay Somaliland uu u
gogolxaarayo inay Itoobiya hesho saldhig milatari oo ay ka kiraysato
Somaliland.
Sidoo kale, waxaa
is-afgaradka difaacay Wasiirka Arirmaha Dibedda ee Somaliland Dr Ciise Kayd
Maxamuud oo waraysi uu siiyey VOA ku sheegay in is-afaragadku uu dhigayo in
Somaliland ay aqoosni ka hesho Itoobiya. Wasiirka ayaa ku eedeeyey dowladda
Soomaaliya inay kasoo horjeedo horumarka Somaliland.
VOA