Itoobiyadii Dhulku ku Maqnaa Ma Bad Ayaa loogu Darayaa?.
Waxay ahayd Sanadihii 1880-maadkii, Markii Guumaystihii reer Yurub Afrika ay kala qaybsanaayeen, Xiligaa Itoobiya waxa ay ahayd Dalkii kaliya ee Afrikaanka ah ee Raacsanaa wadamada reer Yurub, ee weliba qaybta laxaad ka leh ka qaadatay Gumaysiga Dadka Afrikaanka ah la Guumaysanaayey dalalkooda!, Taas oo Gumaystihii reer Yurub ku garabsanayeen Itoobiya Diinta Masiixiga ah, Taas oo ahayd Diinta Gumaystihii reer Yurub wada haysteen, Dhul Boobkii xiligaasna iyada oo waagaa Itoobiya Dhulka ugu weyn ee Qaybta loo siiyey waxa uu ahaa Dhul, ka Mid ahaa SOMALILAND, waa qaybtii SOOMAALI-
GALBEED, Markii lasiiyey Itoobiya ayaa Soomaali-galbeed layidhi se intii aan itoobiya Gumayste u Noqon Dhulkaa Hooyo, Ingriiskaa taabay oo maamulka gacanta ku hayey oo Somaliland ayuu ka mid ahaa degelkaasi Soomaali-galbeed, sidoo kale Waa Dhul mihiim ahaa oodhulkii HOOYO ahaa waliba dhulkii hodonka ahaa ee wabiyada Durdurka ah lahaa ee Dalaguna ka baxaayey Duunyaduna ku Tarmaysay, Itoobiya marka ay la dhaxal wareegtay dhulkeenii Hooyo qayb kamid ah ama Somaliland oo xiligaa loo bixiyey, Itoobiya intaa kunay joogin ee Tabtii Abeesadii Farta loo taagay ee Fanaxa u Booday ayey
Isticmaarkii ingiriiska ka dalbaday in (Hawd iyo Reserve Aria) loogu daro, waana loogu daray, oo dhulkii Hooyo ee weynaa ee ingiriisku Haleelay ee uu isticmaarka ku hantiyey, intii ugu badnayd Itoobiya ayuu ku wareejiyey, oo iyaga oo dad aynu isku Midab Maqaar nahay hadana Gumaystihii Saan-Cadaalaha ahaa Diin ku raacay oo Dhul iyo Dad Boobkii Reer Yurub ka gacan qaatay oo waliba inaka Dhulkeenii iyo Dadkeenii la wareegey oo Welina ku Haysta Isticmaarkii waagaa!, Halka Dhamaan Dhulkii isticmaarka reer Yurub ee Afrika dhamaan wada Xoroobeen oo Dhulka Dadkii lahaa Dib loo Hantisiiyey,
Itoobiya Soomaali-galbeed iyo Hawd iyo Reserve Aria weli sidii Isticmaarkii u siiyey ayey ula maqanyihiin oo marnaba aanay odhan Waar dad isku midab ah baynu nahay wixii isticmaarkii reer Yurub waagaa aanu ku raacnay qalad bay ahayd ee xaalbaanu ka bixinaynaa Dhulkiina sida ay reer yurubba u siiyeen Madax banaanida ayaanu anana u siinaay weliba dad isku midab ah oo isku Degel dhow ayeynu nahay ee Xaal dheeraad ahna waanu ka bixinaynaa iyo Magdhow Mudadii aanu isticmaarka ku Haysanay, se taas in
Itoobiya tidhaahdaa waa Baabacadaa oo Timo kasoo baxaan!, waayo iyaga oo Dhul ku maqanyahay ayey Baddeena Qaaliga ahna Qarnigii 21aad oo Cid dhul iyo bad dad leeyahay oo Damac ka galaa jirin ama arin dhici kara ahayn ayuu Ninka u Madaxa ah ee Abii Axmed si Cad oo Gabasho lahayn u yidhi Dal kayga waa in aan Bad u helaa Aan ugu Helo Tab iyo Xoog tay iigu meel martaba!, Waa arin ka yaabiyey aduunka Maxaa yeelay Aduunka Qarnigan 21aad Wax loo fadhiyey maaha in Dal ku baaqo Dal kale baan Boobayaa oo Bad ka Xoogayaa, se waa arin Itoobiya u Hamuum qabtay oo uurka uu ku haystay oo Afku ka xaday!.
Waxa aynu ogayn Dhulkii NFD ee Kiiniya lagu daray waatii tidhi Afti ayaan ka qaaday oo aan idhi Ma Kiiniya ayaad ahaanaysaan mise Soomaaliya ee ay yidhaahdeen Kiiniya Dhulkii sadaa ku Xalaashaday ee Maantana NFD ay Kiiniya uga Mid tahay!.
Bal Hadaba Itoobiya oo Qayb ka mid ah Dhulkii Hooyo ama Soomaali-galbeed iyo Soohdintii Reserve aria iyo Hawd, oo sidii waagii isticmaarku jiray weli ula maqan halka isticmaarsigii aduunka Qarnigii tagay la Dabar jaray! Ayey Itoobiya weli dhul weyn oo Dhulkii Hooyo ah oo Hooyoley leedahay itoobiya Haysataa say Maantana Damac ka hayaa in ay Hantido Obacdii Dhulkii Hooyo iyo Qooriyadeedii Qaaliga ahaa ee Taariikhdii
Boqortooyadii Hooyolaydu ku taalo ee Boqorada Illaaha weyn ee Allah ee weligii Jiraha ah ee Joogaha ahi uu ku Xusay Quraanka Kariimka ee Hadalkiisii ah, Boqoradii Mudnaa ee ka Mudnaa Alle agtiisa degelkii uu eebe ku sheegey Dilkii Aaminka ahaa inagana Dadkeenii Hore ee Hooyoleyduna ku Magac Dhabi jireen Dhulkii
ALLE ama ALLAH in layidhaahdo Ummad Alle Waynaantiisa iyo Kalinimadiisa Rumaysnay oo rumaysan in uu Ubad Dhalay oo Macatabad iyo Laanqayr Dheer sita uu Alle Ganafka ku dhuftay oo Alle Quraanka inoogu Bayaamiyey in aynaan Aaminin, ayaanu keenaynaa oo inta aanu Calanka Tawxiidka leh Ka dejino Dhulkii Alle Dhulkii Hooyo ayaanu Calan Dad Macatabad lahi samaysteen aanu ka Taagaynaa oo waliba Magaaladii
Masaajidka taariikhiga ah ee labada qiblo lahaa ee Dhaxalkeenii iyo Taariikhdeenii iyo Taariikhda Ummada islaamkana ahaa aanu u ogolaanaynaa in Gaalo la wareegto Dagalkii uu ku yaalay oo aanu qarnigii 21aad ogolaanaynaa in Kaniisado laga Bineeyo oo LAAN qayro laga taago Magaaladii Diiniyan iyo Taariikh iyana inoogu Mudnayd, Waa Waxaan Dhici karin, waana Dayuus nimo iyo Diin iyo Dhaqan Biis, Ciddii Soo Jeedisa Arinkaa, Ciddii Ogolaataana Kabasii Daran!
Waxaynu ognahay waxan bariga dhexe ka dhacaya ee xasuuq ah ciidamada wax xasuuqaaya ee yu Huuda 45% waa Xabashi ama ha ahaadaan falaashadii ama kuwa kale ee dagan, iminkana waxa la doonayaa in inta Dhulkeena lagu dhejiyo xeelad si ay u ilaaliyaan Doonyahan la bartilmaansanaayo ee marin biyoodka bada cas maraaya ee yu Huuda laguna badhxo ciidan u adeega gaalada wadamadan aan gaalada ahayn ee marin biyoodka bada cas wada kulaalaaya.
Hadal iyo Dhamaan waxa aan ku Soo afmeerayaa Gabaygii Alle haw naxariistee MUXUMED CABDI AW-Xaashi oo noolaa dabayaaqadii Qarnigii 18aad ilaa badhtamihii qarnigii 19aad, Muxumed markii Gumaystuhu Jeexaayey Xuduuda ee lakala bineysanaayey Dhulka Hooyo ayuu Dadka ku Booriyey in ay ka dhiidhiyaan
Dhulkoodaa sidii Dalag beereed loo jeexjeexaayo ee laxuduudaynaayo wuxuuna si xigmad iyo Murti xanbaarsan wax isku sheeg iyo waano uu ugu tiiriyey Tix Halku Dhigeedu AHAA (Qoonsada halkaa waxa ku
jira qabar laxaad Weyne) se markii waanadii iyo Murti wax ugu sheeggiisii Dheg Jalaq loosiin waayey, ee wixii uu uga digaayey dhacay ayuu tixda Hoos ku qoran uu Mariyey, in aanay ku dhacdeen waxa maanta haystaa hadii ay hor itaagi lahaayeen gaalka Maalintii ay ku Haboonayd ee uu baraarujinaayey, waxa uu ku hayo
maanta, Bal markaa Dadka maanta ku andacoonaaya Gaalkii isticmaarka inoo raacay ee Dhulka Baaxada weyn inagaga Maqanyahay ee weli isticmaarsada ayaanu Maantana Bad iyo Qoori Xeebeedka Dhulka Hooyo ah ugu Daraynaa waa Waxaan Sinaba u Dhacahayn ee wax iska Saxsaxeexow Ina Biixi!.
Allahayow is Af garan waa' ama is Afgad la'aan iyo Gaal jeclaysi hanagu Ridin oo Dib yaanay noo saamayn wixii hore Gaalo nayeeshay Aamiin yaa rabi Aamiin, Wuxuu yidhi Abwaan MUXUMED Alle haw naxariistee isaga oo ku Hal qabsanaaya wiil uu dhalay:-
1.Caliyoow adduun lagu dhintoo, dheeliyaan ogay'e
2.Ma dhadhamiyo caanaha liska ah, sida dhukaameede
3.Sidii dhagar aan qabo oo xabsiga, la iga dhawraayo
4.Dharaar iyo habeen faalladaan, dhabanka haystaaye
5.Dhag markaad tidhaahdaan hurdada, maba dhakoolayne
6.Ka dhabriiray haasaawahaa, dholonbiyeyseene
7.Dhalinyaradu hadalkii naxwa ah, dheg uma yeeshaane
8.Nin dhammaaday baa garanlahaa, dhaabadaan odhane
9.Bal dhagaysta caawaan rakibay, dhidibbadiisiiye
10. Kol haddii dhulkeenii xadkaas, dhereran loo yeelay
11. Oo moodhikaar lagu dhibtiray, wada dhabbaynaayo
12. Dhallaan weeye kii haybiyaa, dhaqasho xoolaade
13. Dhuuryadan dusheenaa, garnayl dhacayey saarnaaye
14. Wax dhambaalka lala roorayaa, dhinicii Tuureede
15. Dhalankii Hawiye loo qabtaa, lay dhexmarayaaye
16. Sidii dhoocil awraan ka baqan, dhaan in lay raro’e
17. Baandadan dhabbada joogsatiyo, qoriga dhawr qaad ah
18. Inaan dhaxal wareegnaa kuwani, meesha loo dhigaye
19. Hadday dhiillo meel soo gashoo, khabarka loo dhiibo
20. Dhan kastaba haddii ay tihiyo, dhulaan la gaadhaynin
21. Baabuurro dheeraynayaa, lagu dhaqaajaaye
22. Oo dheehadoodii isweer, lagu dhab siiyaaye
23. Oo dhiidhi kii lagu tuhmana, lagu dhirbaaxaaye
24. Dhayal hayga moodina, caddaan dhaarsanbaa yimiye
25. Waa duni ninkii dhumuc lahaa, dhaatay oo kacaye
26. Af-warqeba cishaa lagu dhugtamay, ciidankuu dhuraye
27. Is dhootaalintii reer Walliyo, dhirifki beenowye
28. Wuxuu Xayle dhoofka ugu kacay, dhuumashuu bidaye
29. Ka dhaqaaqe daarii Shawiyo, dheregii fiicnaaye
30. Waatay dhalaankiyo hureen ,ooryaha udhaxaye
31. Waatii galbeed loo dhuftayey, dhebae u yaaceene
32. Dhirbaaxadii Talyaaniga ayey, dhego barjoobeene
33. Annagana dhulkii aan lahayn, dhaafabuu yidhiye
34. Habaryoonis oonbay u dhiman, dhibica dayreede
35. Geediga caleenweyn ku dhacay, dhaafi kari waaye
36. Kuwii harada dhalandhoobin jiray, dhamacda jiilaalka
37. Ayey gaaladii dhiifatooy, siraw la dhaaftaaye
38. Caynaashihii dhiirranaa, dhacarti loo diidye
39. Reer sugulle dhaantada Digweyn, kagama dheelmaane
40. Dhalooshii farcaamood xeryaha, uma dhameeyaane
41. Dhiilaha karuurka ah martida, looma soo dhigo’e
42. Dhegcaddii madheedhkiyo la waa, dhuubkii geedaha’e
43. Reer daahir beel kama dhisaan, dhinacii beereede
44. Dhudhubo iyo buuhoodlayaal, laga dhawaateeye
45. Dhulbahantii fallaagada ahaa, waa la dhaawacaye
46. Halkuu nugulku dhacadiiday iyo, dhooddi laga qaadye
47. Aduunyadan ninkii aan ka dhiman, dhaygag baa diliye
48. Kolka dhool da’aa Ciidagale, kor u dhaguugaaye
49. Iyadoo dhegows iyo burcada, dhaayin lagu foofshay
50. Ma dhambalo qolkii gaanihii, dhogorta xiisnaaye
51. Dhaameel tolkay wuxu ku furay, dhabarkan Tuur weyne
52. Imakay nirgihii dhaadhyi jiray, badi u dhuubteene
53. Hadba waxaan ka dheelimanayaa, dhabarka raaxayse
54. Dhegxumada ku noolow waxaa, dhaanta geerida’e
55. Waagaan dhawaaqaayey, een dhego la’ii yeelan
56. Dharaartii hadday ila gartaan, lama dhaqaajeene
57. Maantooy dhanaanaataybay, dhabanka haystaane
58. Dhammaantiin soomaalaay hadday, dholo’di joogtaaye
59. In qiyaamihii dhawyahoon ,dhegiba noolaanin
60. iyo gaalka inaan dhoofinoo,dhidibka loo saaro
61. Labadaas mid uumbay u dhici, dhaaxa lala yaabye
Walaalkii Gaal ka Xigsadow
Walee Waa kuu Garaadli’i.
Khadar Hooyoley (Fartaag).
Tixdan Waxaan kasoo Maanguuriyey Hoyga Suugaanta ee ciwaankiisu yahay http://www.hoygasuugaanta.com/
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!