Sababaha Somalia Ugu Dhegantahay Somaliland

0
Saturday July 06, 2019 - 14:55:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababaha Somalia Ugu Dhegantahay Somaliland

    Sababaha ay Somalia ugu dhegantahay Somaliland waxa weeye in dadka Somalia ogyihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sababaha ay Somalia ugu dhegantahay Somaliland waxa weeye in dadka Somalia ogyihiin
in Somaliland tahay hoygii geesinimada, deeqsinimada, qalbi-wanaagga, suugaanta, fanka, ilbaxnimada iyo istaraatiijinimada (goobta ay ku taal oo muhiim ah) oo ay waayeen. Waxaa kale oo ay ogyihiin inay waayeen dalkii ay 30 sano (1960-1990) xukumayeen oo ay dhacayeen hantida dadkiisa.



Laakiin waxay illowsanyihiin in dadka Somaliland u keeneen dowladnimadoodii 1960 dabadeedna ay ugu abaalgudeen duudsi, cadaalad-xumo, gumaad iyo burbur ka baxsan Islaamnimada, Somalinimada iyo insaaniyadda. Markaas dadka Somaliland laguma dagikaro midnimo dambe oo huwan dhagar iyo khiyaamo.


Mar haddii qabyaaladda Somalidu ka xoogweyntahay Diinta Islaamka oo aan dhiig, dulmi iyo dhac midna laga xishoonayn sow ma habboona in la kala ahaado laba dal oo jaar ah oo walaalo ah. Sow lama oga in arrimahaas awgeed aan midnimo dambe hirgelayn balse laga dhaxlayo uun dhiig daata oo cusub iyo cadaawad hor leh. Waxaa habboon in la kala quusto xagga midnimada laakiin la noqdo laba dal oo walaalo ah oo iskaashada dhinackasta.


Dadka Somaliland waxay xagga dhaqanka iyo hiddaha aad isugu dhowyihiin dadka Kilinka 5aad ee Somalida, haddii ay xoroobaan waxaa aad u suurtogal ah inay ku soo biiraan Somaliland.

Ibrahim Hassan Gagale
July 5, 2019

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...