Wax Yeeladu Dabeecadaydda Bay Ka Mid Tahay ( Ali Biixi).

0
Thursday January 04, 2024 - 10:22:16 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Wax Yeeladu Dabeecadaydda Bay Ka Mid Tahay ( Ali Biixi).

    Waar miyaad waalatay ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waar miyaad waalatay ?


Dabeecadaha dadku way kala duwan yihiin , oo qaarkood waxay leeyihiin ,
1-Dabeecadda xayawaanka doogga cuna oo kale , kuwaas hami iyo qamigoodu yahay , wax lacuno -wax lacabo iyo shahwad uun .

2-Dabeecadda xayawaanka hilibka cunana , waa in uu wax dilo – wax burburiyo -wax gaado colaad -nacayb wax ka baji – hanjabaad -u xoog sheego kuwaad ka xoog wayn tahay iyo shahwad uun .
3-Dabeecadda sheydaanka ayay qaarna leeyihiin , wax lakhiyaameeyo – cid laysku diro- cid la daba galo – dulmi -isku dhifasho iyo camal sheydaan oo dhan .


4-Qaarna dhaqanka malaa iikta oo kale ayay leeyihiin , aadna way u yar yihiin .

Culimada cilmaga nafsiga ma yaqaanaan , ilaa iyo iminka si ay u fasiraan DABEECADAHA dadka , iyo waxa ku kelifa inay wax dilaan – wax burburiyaan – naqayb . iyo cadaawad badan oo ay dadka kale u hayaan .

Beri waxaa dhacdey in uu DIBQALOOC , meel webiya yimi , oo uu doonaayey inuu dhinaca kale uga gudbo ,
si alaale iyo si uu uga gudbo wuu garan waayey ,
Markii danbe ayaa uu arkey RAH agtiisa taagan .

Waxa uu ku yidhi DIBQALOOCII : Rahaw dhabarkaaga ma kori karaa , si aan webiga uga talaabo ,
oo webiga maad iga gudbin ?

RAHII :wuxuu ugu jawaabey : maya raali iga ahaw ,
Dibqaloocii WAAYO ayuu yidhi ? Rahii waxa uu ugu jawaabay : waxan ka baqayaa inaad i QANIINTO ?
DIBQALOOCII :(ayaa ugu jawaabey) miyaad waalan tahay , arintaasu ma dhici karto ,oo caqliga ma geli karto
haddii aan ku QANIINO saw dhiman maysid , anna saw dhiman maayo , oo biyaha ku qarqi maayo .
miyay kula tahay , inaan doonaayo inaan dhinto .

Dibqaloocii waxa uu keenay arin caqli gal ah , oo lagu qanci karo .
illayn hadii aan ku QANIINO
adna waad dhimanaysaa ,
anna waan dhimanayaaye .
RAHII:sidaas ayuu ku ogolaadey inuu xanbaaro dibqaloocii .

RAHII: oo dusha ku sida dibqaloocii ayaa marka uu meel dhexe maraayo webigii ,
ayaa DIBQALOOCII qaniinay RAHII .

rahii ayaa dareemay xanuunkii qaniinyadii dibqaloocu ku dhiftay , markaasaa inta uu cirka ka qayliyey , ayuu dibqaloocii , su aaley ?

Waar miyaad waalatay ?
Maxaad ii qaniintay ?
labadeenuba saw wada dhiman mayno ?
sawdigii ii ballan qaadey , inaanad i qaniinin ?
DIBQALOOCII: (baa ku jawaabey) Miyaad ilawday inaan Dibqalooc ahay ?.

DIBQALOOCA dabeecadiisu iyo dhaqankiisu , waa in uu wax qaniino ,
Waayo ? noloshiisa iyo jiritaankiisa dibqalooca ayaa ku dhisan wax QANIIN .
Xataa haddii ay dhimashadiisu ku jirto .

Hadaba nolosha siyaasiyiinta somaliland ( sida Muuse Biixi iyo M.kaahin iyo SaleebaanGaal) , gaar ahaanna siyaasadda xisbiga Kulmiy , ayaa waxa u saldhig ah , cadaawad – nacayb-aargoosi-iskudir - kalaqeybi -Dagaal - dhiig - dil - xadhig -hanjabaad– dulmi - dagaalo sokeeye- boob - dhac - khiyaamo - lacag urursi iyo arimo kale oo aan wanaagsanayn oo badan .

Arimahan oo qaar kale oo badan ayaa ka INDHO tiraaya inay wax qabtaan , dalkii iyo dadkiisii ay wax u qabtaan .

Berina Tuke ayaa saabuun xaday ,oo la cararey , markaasaa waxa la waydiiyey ,
Waxa uu u xaday Saabuunta?
kol haddii aanu u baahnayn ,
oo aanu cunayn
ama aanu ku maydhanayn?
Markaasuu ku jawaabay :
Dabeecadayda ayaa wada waxyeelo ah .

Hadaba Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahun iyo SaleebaanGaal iyo wasiirada xukuumadiisa ayaa kuligood yihiin , qaar dhaqankoodu iyo ficilkoodu iyo wax qabadkoodu ,
Uu dhaqankoodu yahay wada wayeelo .
Dabeecadoodu iyo dhaqankoodu ,
Waa wada waxyeelo .
Ali Biixi.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...