IGAD Oo Ka Hadashay Heshiiska Is-Afgarad Ee Itoobiya Iyo Somaliland.

0
Wednesday January 03, 2024 - 15:38:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IGAD Oo Ka Hadashay Heshiiska Is-Afgarad Ee Itoobiya Iyo Somaliland.

    "IGAD waxay weli ku adkaysanaysaa sida ay uga go'an tahay horumarinta nabadda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"IGAD waxay weli ku adkaysanaysaa sida ay uga go'an tahay horumarinta nabadda"



Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu ayaa "walaac xoogan ka muujiyay isbedeladii ugu dambeeyay ee ku yimid xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo dowladda federaalka Soomaaliya (DFS)” sidaas waxaa lagu yiri bayaan kasoo baxay IGAD.

 

Waxaa Bayaanka sidoo kale lagu yiri: "Marka la eego duruufaha jira, Xoghayaha Fulintu waxa uu u soo jeedinayaa madaxda IGAD in gacanta lagu dhigo, wuxuuna ka codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo isafgarad loogu xallin lahaa, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya qoyska IGAD”.

 

Xoghayaha fulinta ee Igad ayaa ku baaqay in madaxda IGAD ay ka fadhiistaan arrinkan isla markaana nabada iyo wada hadal lagu xalliyo khilaafka.

 

"IGAD waxay weli ku adkaysanaysaa sida ay uga go'an tahay horumarinta nabadda, xasilloonida, iskaashiga, iyo is-dhexgalka gobolka” ayaa lagusoo gabagabeeyay bayaanka.


Loading...
Loading...