Siyaasi Fahan U Yeelo Fasirka Dhaqan Taariiikheedka Ereyada Aad Adeegsato..W/Q Cabdifataax Axmed

0
Saturday July 06, 2019 - 14:50:22 in Articles by
  • Visits: 1265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Fahan U Yeelo Fasirka Dhaqan Taariiikheedka Ereyada Aad Adeegsato..W/Q Cabdifataax Axmed

    Siyaasi Fahan U Yeelo Fasirka Dhaqan Taariiikheedka Ereyada Aad Adeegsato..W/Q Cabdifataax Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Fahan U Yeelo Fasirka Dhaqan Taariiikheedka Ereyada Aad Adeegsato..W/Q Cabdifataax Axmed

SIYAASI, FAHAN U YEELO FASIRKA DHAQAN-TAARIIKHEEDKA (CONNOTATIONAL MEANING) EREYADDA AAD ADDEEGSATO!


Somalia 'Qabbiil' ma aha. Waa dawlad. Marka Somalia loo jawaabbayo 'Qabbilo' uma jawaabbayno! Haddii qabbiilo loo jawaabbayo dad badan oo magaca Somaliland lagu tirsadaa qabbiiladoodda ayay noqon, kuwa aad caayaysaanna waa reerahoodda! Marka Somalia loo jawaabbayo waa in loo jawaabbaa maamul, siyaasaddii, ficilkii, hoggaamintii iyo aragtii! Farmaajo reernimo waa in aan lagu caayin! Siyaad iyo isaga nooca xidhiidhka laga dhaxaysiinaya waa in aanu noqon reernimo, bal se uu noqdaa afkaar, aragti-hoggaamineed, siyaasad iyo qaab-dhaqan labbadoodda shakhsiyadood kaliya laga dheeggay!

Image may contain: Abdifatah Ahmed, closeup


Ogoobbeey, marka aad leedahay "adeerkaa" waxa aad u jeeddaa "qabbiilkiina." Ogow, marka aad leedahay wakhtigii qabbiilada waligayo nalagama adkaan, dawladnimo waad ka baxday ee waxa aad u jeeddaa "Reerahayaga ayaa reerihiina ka adkaa amma waanu iska celin jirney, maantana siddoo kale!" Marka aad leedahay nimankii USC ayaanu la shaqaynayna IWM, ogow in aad Hawiye ka door-biddaysid Daarood. Waa wax cad. Marka aad siddaa leedahay hadda kuwa aad leedahay waa reer Somaliland ba waa Daarood e, caqligagu ha shaqeeyo. Adiga oo reerahoodda reerro kale ku garaacaya kuma dugsan doonnaan ee ku bishaarayso!


Qayb dhibta ka mid ahi waxa weeye, fahankaygii, in siyaasiyiinta Somaliland intoodda badani aanay fahan u lahayn macnaha fog (Connotational meaning) ee ay leeyihiin ereyada ay isticmaalaan. Waa kuwaa iyagoo Somalia is leh u jawaabba, haddana qayb dadkooda ka mid ah weeraraya. Korniin-maskaxeed waa lama hurraan!


Abdifatah A. Ileeye

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...