Su'aalo Iyo Wax isweydiin ( Ali Biixi).

0
Wednesday January 03, 2024 - 11:31:47 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Su'aalo Iyo Wax isweydiin ( Ali Biixi).

    Yaa ka danbeeyay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaa ka danbeeyay?



Xisbiyada mucaaradka iyo
madaxda xisbiyada mucaaradka

Maxay ka yidhaahdeen shirarkii ka dhacay Jibuuti
Iyo
Ethiopia?


Waa maxay mawqifkooda siyaasadeed ee ay arimahaas ka taagan yihiin?
Ama ka soo saareen?

Weli ma waxay inagu odhan doonaan :
Weli ma hayno xog oo xaqiiqda inta aanu ogaanayno oo M.biixi inoo waramaayo

War ka soo saari mayno.

(Hadii ay sidaas yidhaahdaan: waxaad ogaataa in ay ogol yihiin).

Muqdisho iyo Masaaridu cirka ayuu arinkoodu isku shareerayaa iyo
Ashtakadoodu iyo
Dhaliishoodu

Hadaba adigu heshiiskan Ethiopia sidee u aragtaa ?

Inkasta oo ay dhaaftay siyaadadii aad garanaysay
Iyo
Wixii aad garanaysay?

Halkee wax ku socdaan?

Sidee heshiiskii Jabuuti u dhacay ?

Muxuu ahaa waxyaabihii lagu heshiiyay jabuuti?

Maxaa keenay heshiiskan Ethiopia?

Yaa ka danbeeyay?

Sidee u suurto geleyaa?

Waxa horta cad
In heshiiskii jabuuti
Aan waxba lagu heshiin oo M.biixi
Ka aar goostay xasan sheekh

Somaliland heshiiskan Ethiopia ma u khasaaraa?
Mise
Waa u faa-iido?

Maxay Somaliland heshiiskan ka faa-iidaysaa?

Maxay Somaliland heshiiskan Ethiopia ku khasaaraysaa?

Golayaasha Somaliland sidee ayay u arkaan heshiiskan Ethiopia ?

Maxay golayaasha Somaliland ka yeeli doonaan heshiiskan
Ethiopia?

Shacabka reer Somaliland siday u arkaan heshiiska Ethiopia iyo Somaliland la gashay ?

Beesha caalamku iyo awoodaha dunida
Siday u arkaan geshiiskan?

Xaaladda badda cas ka soo korodhay heshiiskan maxay ka tari karaysaa?

Dalka Masar muxuu ka yeeli doonaa heshiiskan oo kaga fal celin doonaa?

Dalka UAE muxuu ka yeeli doonaa heshiiskan oo Somaliland heshiis kula jirtay dhinaca dekeda berbera?

Meesha laga siiyay dalka Ethiopia
Ma Berbaraa?
Mise
Waa
Zaylac?

Jabuuti maxay ka yeeli doontaa heshiiskan Somaliland iyo Ethiopia?

Arimo badan iyo su'aalo badan ayaa jawaabo u baahan.

Maxay kula tahay adiga?
Ali Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...