Dowladda Somaliya Oo 'Waxba Kama Jiraan' Ku Tilmaamtay Is-Afgaradka Itoobiya Iyo Somaliland
Dawladda Soomaaliya
ayaa si xooggan uga soo horjeesatay Is-afagradka ay gaareen Itoobiya iyo
Somaliland.
Kadib kulan uu yeeshay
Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya, ayaa dawladda Soomaaliya ay sheegtay in
is-afgaradkaasi uu yahay "waxba kama jiraan.”
Waxay sheegtay dawladda
Soomaaliya in tallaabada Itoobiya ay qaadday ay gardarro iyo xadgudub ku tahay
madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa
sheegtay in tallaabada Itoobiya qaadday ay halis ku tahay deris wanaagga iyo
nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Soomaaliya waxay ugu
baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda
Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo urur gobolaadyada inay taageeraan xaqa
ay Soomaaliya u leedahay difaacista dhulkeeda, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka
dawladda Soomaaliya oo uu akhriyey af-hayeenka xafiska Ra’iisul Wasaaraha
Farxaan Jimcaale.
Soomaaliya waxay ugu
baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika inay
iskugu yimaadaan shir degdeg ah oo ay kaga hadlaan tallaabada Itoobiya.
Dawladda Soomaaliya
ayaa sheegtay inay dib ugu yeeranayso safiirkeeda Itoobiya si ay wadatashi ula
samayso.
Dhinaca kalena
madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhowayd la hadlay labada
Aqal ee Baarlamaanka ayaa sheegay in tallaabada Itoobiya ay qaaday ay tahay
"nasiibdarro.”
"Cid awood u leh dhulka
Soomaaliya cad ka mid ah inay bixiso ma jirto,” ayuu yiri Madaxweynaha
Soomaaliya oo sheegay in dhulka ay iska leeyihiin jiilka soo socda.
Madaxweynaha Soomaaliya
ayaa sheegay in is-afgaradka looga dhowaaqay Addis Ababa uusan "sina dhaqangal
u noqon doonin.”
Waxa uu sheegay in
tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay fursad u siinayso al-Shabaab
inay qorato dad cusub, xilli dawladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto dagaalka
Al-Shabaab, guulana ka gaartay.
"Jihada aad 1-da
Jannaayo u jeesateen kasoo jeesta, waddo idinka ma jirto meeshaas,” ayuu yiri
madaxweynaha Soomaaliya oo farriin u dirayey Itoobiya.
Dhinaca kalena,
Somaliland ayaa faah-faahin ka bixisay is-afgaradka ay la gashay Itoobiya.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland oo war -saxaafadeed soo saartay xalay
ayaa sheegtay in Somaliland ay Itoobiya ka kiranayso marin-badeed 20km ah muddo
50 sano ah, taas beddelkeedana ay Itoobiya rasmi ahaan u aqoonsanayso
Somaliland.
Itoobiya iyo Somaliland
ayaa is-afgaradkaas, oo heshiiskiisa ay ku ballameen inay saxiixi doonaan, ku
tilmaamay inuu yahay mid "taariikhi ah.”