Wefdi Malaa'iigta (CS) Ka Socda Oo Somaliland Xaqiiqo Raadis U Yimi .

0
Tuesday January 02, 2024 - 23:43:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefdi Malaa'iigta (CS) Ka Socda Oo Somaliland Xaqiiqo Raadis U Yimi .

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.


 


 

 

Malaa'iigtii ayaa waxay aragtay Ibliis iyo shayaadiin-tiisii oo Somaliland ka huleelay, iskagana qaxay, baxay oo ka dhoofay. Horena uma dhicin in ibliis iyo shayaadiin-tiisu dal ka wada baxaan.

 

Sabab-tuna tahay waxay u heelan yihiin sidii ay dadka u fasahaadin lahaayeen, oo denbiyo u gelin lahaayeen, si ay Jahanama ugu hubsadaan, ka dib malaa"iigtii (cs) waxay ka yaabeen arin-taas.

 

Waxay-na arki waayeen kheyr laga soo sheegaayo madaxda dal-kaas oo laga soo gudbinaayo. Arintu markay halkaa marasay bay waxay is waydiiyeen in ay soo ogaadaan sababta keentay in ibliis iyo shayaadiin-tiisii iskaga baxaan dal-kaas isaga ah.

 

Ka dib Guddi Xaqiiqo raadis ah ayey u soo direen Somaliland taas oo baadha, ogaa-tana waxa ibliis iyo ciidamadiisii uga baxeen ee uga hadheen madaxdii dal-kaasi. Waxay ogaadeen markii war-bixintii laga soo gudbinaayey ay akhriyeen ee arkeen, in ay shaqadii ibliis iyo shayaadiin-tiisa cid kale kala wareegtay oo u hayso. shaqadii ay qaban lahaayeen.

 

Waxay akhriyeen war-bixintii askariga " Xaafad-Tooyadda" ee ay shaqaddii ku wareejiyeen laga soo gudbiyey,  gacan yara-hiisa Geenyo-Shaaximan iyo Saleebaan Gaal maamulka ay madaxda dalka ka yihiin caynka iyo qaabka ay wax wadaan.

 

Waxay-na ka waayeen war-bixintii erey qudha oo kheyr ah, wax maqal,naf ay ummadda hayaan, ka feker dan guud iyo Wanaag ah oo faa'iido u leh ifka iyo aakhiro iyo bulshada halkaas ku dhaqan ee muslimka ah.

 

Denbiyo wada waaweyn oo lagu gelaayo Naarta ta u hooseysa . Oo ay bulshada ay xukumaan ka geleyaan, kuwaas oo aanay ka galabsan ummadaasi, oo tahay in ay iyaka uun dab ka dhex oogaan gabal iyo waa beryaba : dhiig,dil, dhaawac, xadhig, cadaalad daro, laaluush,dhac, eex, kibir, isla weyni aanay wax-ba uga hoosayn dulmi fara badan oo aan la soo koobi karin iyo wax kastoo xun oo farxad gelinta ibliis iyo shaqaadiin-tiisa ay wada sameynayaan

 

waa ficilo sheydaan iyo farsamadoo-diiye. Gudidii Xaqiiqo Raadiska ee u timi :

Waxay ogaadeen in aanay u hadhin ibliis iyo shayaadiin-tiisiia, shaqo ay ka qabtaan halkan aanay haba-yaraatee u oolin.

Laakiin  shaqadoodii ay cid kaloo u tabarani ay u hayso, loogana baahnayn iyaku in ay sii joogaan.

 

Intaa ka dibna waxay war-bixintii u gudbiyeen Malag Israafiil  (cs) oo Malakul-Mawdka ah (Malaga Dadka Nafta ka qabta ) oo ay arimahan la socod siiyeen.

Iyo sidii wax looga qaban lahaa, ilayn lama arag, lamana maqal, Ibliis iyo arday-diisii oo wadan dhan isakaga baxaye, waayey-na shaqo ay qabtaan. Malakul-mawdkiina (Israafiil cs) waxa uu u sii gudbiyay 19 malag ee Zabaaniyada ahaa (waa malaa'iigta Jahanama ilaaliya) in ay u sii diyaariyaan Nimankan daalimiinta ah cadaab weyn.

 

Oo ay ku daraan naarta,  halka  Fircoon, Haamaan, Nimruud iyo dadkii daalimiinta ahaa ee dunida soo maray lagu daro qeyb-tooda.

Wax-bixintii malaa'iigtu (cs) intaas kumay koobnayn, laakiin intii ugu weynayd ayaanu idinla wadaagnay.

 

* N.B  Hadaan Ibliis Ahay Kamaan Tageen S/Land Ee Dar Iga Sii Daran Baa Jooga.

 

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...