Ingiriiska Oo Dhulalka Somalida Kolba In Ku Wareejinaya Wadaka Kiristanka Ee Ethiopia Si Dadka Somalida Ah Loo Gaaleeyo.

0
Tuesday January 02, 2024 - 10:47:39 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ingiriiska Oo Dhulalka Somalida Kolba In Ku Wareejinaya Wadaka Kiristanka Ee Ethiopia Si Dadka Somalida Ah Loo Gaaleeyo.

    Hawd Reserve Area(Gaashaamo, Awaare Iyo Degmada Yar Ee Xarshin)..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawd Reserve Area(Gaashaamo, Awaare Iyo Degmada Yar Ee Xarshin)..


Dagaalada Dunida Aad Bay U Noocyo Badan Yihiin Laakiin Waxaa Ugu Weyn Uguna Qoto Dheer Taariikh Ahaan Dagaalka Gaalada Iyo Muslimiinta. Gedigood Dagaaladii Muslimiinta Ee Taariikhii Hore Waxaa Hogaaminayey Anbiyo, Dagaaladan Dhul Balaadhsiga Ee Gaalada Ee Imika Dunida Ka Socdana Waxay U Dhexeeyaan Muslimiin Iyo Gaalo ,Ama Falastiin Ka Haka Socdaan Ama Ha Noqdo Kan Ethiopia Iyo Ingiriisku Ku Qaateen Dhulalka Ka Somalida Imikana Ku Qaadanayaan Baddii Berbera Iyo Saylac.



 

Ingiriiska Iyo Ethiopia Waxay Somali Ka Qaateen Kililka Shannaad 1948kii Dhowaa Sidiibaanay Ku Xalaashadeen.


 

Hawd Reserve Area(Gaashaamo, Awaare Iyo Degmada Yar Ee Xarshin) Waxaa Ingiriisku Ethiopia Ku Wareejiyey 1955 Kii Sidiibaanay Ku Xalaashadeen. Arinta Dhul Raadiska Ethiopia Iyo Ingiriisku Iyo Isreal Weligeed Wey Soconaysaa. Anagaa Dhulalka Iska Leh Islaamka Ka Hor Ayey Rumaysan Yihiin. Hadaba Su'aal Baa Dunida Taagan Odhanaysa Maxaa Adduunyada Ku Saliday Xukuumadda Ingiriiska Iyo Biqortooyada Ingiriiska Ee Uu Adduunkii U Wada Qabsaday Una Wada Bixiyey Una Maamulaa Si Dadban Dunida Oo Dhan Dawladaa Waaweyn Iyo Qaaradaa Isagu U Wada Sameeyey Isagoo Ah Gasiiradda Yar Ee Aynu Wada Aragnay ,Waxaa La Yidhi Kutub Badan Oo Diimaha Ah Baa Qoraysa In Maalintii Uu Allah Jannada Kasoo Tuuray Nebi Adam, Xawaa Iyo Shaydaanka In Shaydaanku Ku Dhacay Gaziirada England Imika La Yidhaa. Dagaalkii Shaydaan Ka Iyo Binu Aadamka Ayaa Weli Socda.


 

Haddaan U Soo Laabto Bixinta Dhulalka SOMALIDA Ee Ku Rabaan ETHIOPIA Iyo INGIRIISKU Ka Maanta U Dambeeyey Ee Berbera Iyo Saylac Horta ETHIOPIA Taariikhda Waxaa Ugu Qoran In Seddex Qabiil Oo Somaliland Degaa Ay Ethiopian Yihiin Waa ESSE. SAMAROON IYO SACAD MUSE Arinta OROMO Ayaan Walaalo Nahayna Halkaasay Dabada Ku Haysaa Oo Hassan Sheikh Iyo Muse Biixi Lacagbay Ku Bedelanayaan Iyo Taariikhda Gaalada Ethiopia Iyo Ingiriiska Inay Guul Usoo Hooyeen Baa U Geleysa Oo Ethiopia Bad Siiyeen. 20 Kilometre Maaha E Waa 40kilometre Oo Dhulkii Dadka Laga Rarayey Ee Base Ka Laga Ilaalinayey Waa La Qarinayaa.


 

Ethiopia Quwadeeda Badeed Waxay Ilaalin Doontaa Badda Iyo Dekedaha Somaliland Oo Dhan Dibna Ugama Kici Doonaan.


 

MUSE BIIXI Iyo Hassan SHEIKH Iyo Ismail Umar Geelle Taariikhda ETHIOPIA Iyo Gaalada Ayey Shaqadaas U Gelaysaa Laakiin Baal Madaw Bay Taariikhda Islaamka Iyo Ta Soomalida U Gelsysaa. Siday Shalayba Ugu Gashay Inuu MUSE BIIXI Ciidan Kusoo Daayey Somaliland Oo Guul Harti Uu U Sameeyey GOBOL KA BAXAY SOMALILAND Guul Daro Isaaq Iyo Somaliland U Usoo Hooyey Maantana Dhibaato U Kawsatay Gobolada Sool Iyo Sannaag.


 

 

 

Muse Wuxuu Soo Horkacayaa Dagaalo Galbeedka Somaliland Ka Bilaabmi Doono Oo Khasaare Badan Arinkuna Muse Biixi Iyo Ismail Omar Geele Waxay Noqonaysaa HUGURI WEDKIISA MA ARKO.


 

Wa Bilaahi Tawfiiq

 

Qoraa Bashe Buurdheyste .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...