Baaqa Addis ee Somaliland iyo Ethiopia ee 01.01.2024 - Aqoonsi Kuma Jiro.

0
Tuesday January 02, 2024 - 10:44:00 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 977
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Baaqa Addis ee Somaliland iyo Ethiopia ee 01.01.2024 - Aqoonsi Kuma Jiro.

    Gunaanad: Fariinta md Biixi waa in SL xeebteeda dhaafsatay ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gunaanad: Fariinta md Biixi waa in SL xeebteeda dhaafsatay ..


Sida ku cad warqaddii ka soo baxday xafiiska R/Wasaare Abiy ee 01.01.2024 aqoonsi kuma qorna. Waxaan se halkan ku tixi falcelintaydii ugu horaysay ee baaqa.


1. Waa war fajiciso ku noqonaya madaxda Geeska Afrika, Siiba m/weyne Ismaaciil C Ghelle iyo Xasan Sheekh ee ku shirtay Djibouti 27-29.2023.



2. Waxa caddaatay shirkii Djibouti xagga md. Biixi madadaalo iyo majaro habaabin ayuu ka ahaa. Ka garo inuu labo maalin ka dib shirkii Djibouti u duulay Addis.


3. Waxa cad in qorshaha heshiiskani muddo hoos-hoos u socday (SL & Ethiopia). Hadalladii Ethiopia ee helidda bad ay iska leeyihiin iyo murankii reer Awdal, Isaaq/Dirku waa Oromo iwm, bilaash ma ahayn. Waxay ahaayeen diyaarin dhegaha Soomaalida (siiba Isaaq & Samaroon) la sii jalqinayey.


4. Waxa Hargeysa heshiiskan ku riixay jabkii kaga dhacay Goojacadde iyo Laascaanood 25.08.2023. Waxay u baahdeen garab ay ku dul ooyaan. Abiy-na wuu ka faa'ideystay, gacan buu u fidiyey.


5. Biixi wuxu Hargeysa ku soo noqonayaa imika, indhaha dadka, isagoo guul siyaasadeed sita oo ku heesaya: aqoonsi ayaan Ethiopia ka wadaayeey. Sacab, durbaan iyo mashxarad baa loo tumi. Qofkii dood ka keenaana waa SL diid baa la odhan.


6. Marka heshiiiska rasmiga ahi soo baxo (waa haddii la shaaciya bee) ayuun baa la garan karaa qotada iyo saamaynta heshiiskan. The devil is in the details.


7. Laakiin DFS iyo Xasan Sheekh ayaa hawli u taal. DFS, talow, maxay odhan? Annagaa u saxeexnay bay malaa odhan, sidoodii!!


Gunaanad: Fariinta md Biixi waa in SL xeebteeda dhaafsatay aqoonsi, sida Biixi sheegay, aha xuddunta heshiiska. Su'aashu waa Ethiopia sidaa ma yeelaysaa mise waa khayaano? Waa khayaano, Biixi na waa og yahay, laakiin isaga godka uu ku jiro cid ka saarta ayuun buu rabaa. Ciyaarta Muuse waa meel-hoose (local). Ujeedadiisu waa inuu hub helo, dib ugu duulo Laascaanood, kursigana ku sii fadhiyo 7-da sanno ee soo socda. Ciyaartu waa local, sidaa ha loo fahmo. Intaas ma dhaafdana, sida ha loo fahmo. Xeeb iyo dhul ayaa ka aarsi iyo kursi loo bixinayaa. Alloow sahal amuuraha.


 

Wa billahi towfiiq

M A Ahmed

Email: maxamuudaxmed@live com

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...