Geography Size And Population

0
Saturday July 06, 2019 - 14:47:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Geography Size And Population

    Waxaa kale oo saamayn kuleh siyaasada arimaha dibada baaxada dhulkaaga, juquraafiahaan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa kale oo saamayn kuleh siyaasada arimaha dibada baaxada dhulkaaga, juquraafiahaan,

iyo tirade dadkaaga, sidaasdarteed ,hadii  bedka   dhulkaaga   iyo   dadkaagu   yar   yahay wax culays ah ku ma laha  xidhiidhka   arimaha caalmaigaa, sidadalalka Gambia, Benin, Brunei, Kyrgyzstan ,etc, dhinacaa kale hogaamiyaasha  dalalka waawayni  waxay  diyaar u yahiin   jecel    yahiina in ay sii  wadaan masuuliyada  arimaha   caalamigaa (global affairs ) tusaale   ahaan Russia,United States, China,waynu   ognahay  doorka firfircoonida leh   ee ay kaciyaaraan     siyaasada   aduunka ,sabatoo ah tirda  dadkooda iyo   baaxada   dhulkooda, tirade dadkaaguna waxay  muhiim u tahay    siyaasada  adaarimaha   dibada, bal   ufiirso  maxaa Somaliland loo dhex  marinyaa wado isku xidhasa  itoobiya  iyo   Berbara   ujeedadu  waa tirade dadka , laakiin   taasina   waxay u baahan   tahay  xeer   goboleed u dhaxeeya  dalalka  geeska  wada  dega,



Sikasba ha ahaatee , ma odhanayno dalalka  yaryari saamayn  kuma laha xidhiidhka    caalamigaa ,maxaayeelay  waxaa caalmka jira dalal yaryar  oo  dedka  dhulkoodu    iyo tirade dadkooduba     ay yar tahay  oo   illahy   ku  manaystay   khayraad   dabiiciya ( natural resources ) marka loo eego  dhaaqaalah  iyo   awooda, tusaaleahaan ,Israel iyo   North    korea    waxay door firfircoon    ka  qaataan  siyaasada  caalamka ,taas  waxaa  lamid ah dalalka  bariga dhexe ee saliida ku   hodankaa   iyo   gaaska


,siaasdarteed  dalalka bedkoodu   yar   yahay  waxay door wax ku  oo la kaqaataan    siyaasada  caalamka   marka loo eego  siyaasada dhaqaalaha  ee   caalamka ( intranational political economicy) wallow dalaka   waawaynee ay ka  midka    yahiin , Canada, Australia ,iyo Brazil aanay door firfircoon   ka    qaadan   siyaasada   arimaha  dibada ,sidaasdarteed ,Bedka dal ma ah wax muhiim ah, ee waxa muhiimka    ahi tirade dadkiisa   iyo    ma leeyahay   khayraad dabiiciya,


Laakiin ,  muhiimada   juquraafi ahaaneed (geopolitical )waxay ka mid tahay  waxa yaabha tixgalinta leh ee saameeya  siyaasada arimaha dibad, laakiinwax amicno ah masamaynayso muhiimada meesha uu ku yaalo dal, mecno ma samaynayso in bado wawayn  leeyahay amaba lama degaan ,ee  waxa  samaamaynta   lahi  waa  inta dal uu  la   jaarka    yahay  kuwaas oo kula yaala qaarad ,iyo  inta  ay tahay  tirada   dadkiisu  iyo   cidhiidhiga  iyo    qaniimadiisa, iyo xukunkiisa,


Meesha  uu dal kaga yaalo  caalmaka iyaduna waxay saamayn ku leedahay   siyaasada  arimaga dibada,tusaaleahaan ,Turkiga , Liibiya, Gambia, Turkigaoo kale waxa   uu   ku   yaal  meel   isku   xidha yurub (Europe) iyo Asia ,taasina  waax  aqiiqoo  waynu  wada ognahay in ay siyaasadiisa  arimaha  dibada raadku   leedahay, Gambia iyada   laftirkeeda  meesha ay kutaalo   ayaa   ka  dhigtay ah ( Atlantic coastline ) ayaa    ka   dhigtay  muhiim in ay noqoto,qarnigii 19aad dalka U,S,A,waxay ku  dhaqmamayey siyaasad godoomin ah isagoo  eegayey  meesha   uu   dalka ku  yaalo ( geographic location ) oo aan  eegayn   tiraada  dadkiisa , laakiin  markii  danbe caalmku waxay tixgalin  tasiiyeen tirade dadka , oo waxa la  eegayaa inteebaa kun baa wax iibsan  karta amaba  maacaamiishaadu  intee bay noqon  karaan marka loo eego tirade dadka , tusaale ahaan .HINDIYA IYO SHINAHA, laakiin hadii tirade dadkaagu  yartay wax sidaas ah ma lahid,


Sidaas darted meesha  uu  dalkaagu kaga   yaalo  caalamkan  waxa ay saamayn  ku   leedahay   siyaasda  arimahadibada (geographical location )

Sidaasdarteed ,heshiisyadu way burburaan, mucaahadooyinkuna way burikaraan    amaba  jabi   karaan, laakiin    juquraafigas iyo  goobta uu dal kaga  yaalo  caalmka way jiraysaa. Jirina   doontaa,

By: khadaradam aw muuse

 

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...