War Jiraaba Cakaaruu Iman ( Abdi-Shotaly).

0
Monday January 01, 2024 - 09:18:54 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    War Jiraaba Cakaaruu Iman ( Abdi-Shotaly).

    * N.B.Haad-Ba-Haad Kici, Oo Haweeyaa Yimi!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B.Haad-Ba-Haad Kici, Oo Haweeyaa Yimi!

Ummad Yahay dhaaxaa Mucaaridka S/Land been beelaysan iyo huuhaa la isugu garabsa-naayey, kaas oo aanay wax-ba kaba jirin haba-yaraatee, oo runtii nin isugu u Socdda Somaliya uu dadka been aan raad lahayn uu farta ugu fiiqaayey meel kale, isaga u xoqaaya kaadh munaafaqad ah oo aan jirin, isaga oo ku andacoonaayey kuna eeday-naayey Mucaaridka ( Siiba Garxajis) Waxay inoo wadaan Koonfur ( Waa Somaliya'e), oo weliba si toos ah la isugu raacay cadaawad lagu doonaayo, in aanay marna Xukunka faraha ku dhigin, sabab la'aan loogu qaaday dagaalkii Marya-alool, kuwo kale oo iyana si dadban loogu qarinaayey si aanay marna madax-weyne ka noqon, hayeeshee khiyaali dhegaha loogu ridaayey Xamar bay inagu darayaan, taas oo danta ay ka leeyihiin labadda askari iyo Saleebaan yuhuudi ay ku sameeyeen wixii la baxay " Keegaan" Nasiib wanaagse maanta waa Illaahay mahaddii haddii ummaddii reer Somaliland ay gunta soo taabatay sheekaddii lagu maaweelin jirey, oo ay beel weliba hadda shanta dhabanka ku hayso fajac iyo u qaadan-waa awgeed, wax dambe oo ay ula imanayaa saddexdda sare ku yaalaa aanay jirin.


No description available.

Soo dhaaf intaas oo odhaah somaliyeed baa ahayd " Wax la qariyo-ba qudhun baa ku jira" Akhristaw timi runtii oo ay taagan tahay halkay u go'aysay. Wuxu Abwaan Hadraawi Rabbi haw naxariisto'e yidhi " Markay dhabi-dhabtii tahay, dhalan-teed ayaa dhiman" Muwaadin imika baa aynu haynaa sidaa uu Abwaan Haraawi yidhi,oo ay dhabi-dhabtii timi. Aan ku soo dhawaadee, waa taas ciddii Somaliya doonaysay iska cadaysatay, ee ay " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximani" Ay iibsadeen masiirkii ummadda, weliba ay ka qarsadeen, waxna loo sheegin Wasiirkii Arimaha Debedda, iyo Ergayggii wadda-hadaladda Somaliya inoo qaabilsanaa waa Marwo Adna Aadane. Oo labadda askari, oo ka amar qaata taliya-hoodda guudka ka xukuma waa Ina Cumar Geele'e, ayna hoos ahaan u saxeexeen in ay ka mid noqdaan maamulka Muqdisho, sidaasna ku ahaadaan Maamul Goboleed, iska daa doorasho la qabto iyo hawlaheede, ictiraaf-na haba soo hadal qaadin iyo wax dal loo qabto.


Kaaga darane, waxa hore loo yidhi " Haad-ba-haad kici, oo haweeyaa yimiye" intaas sare aan kuugu qorey-ba waxa yidhi dilhib ma laha ee dib u fadhiista, ka dar oo dibi dhal baan hayaaye, waxay tahay arinta iyana dhako-faarka ahi, askariggii " Xaafad-Tooyadda" iyo nacam-la-yaashii ku daba sujuudi jirey, oo uu Ra'isal Wasaaraha Itoobiya Mre Abiya Ahmed uu farta ugu yeedhay, kuna yidhi deg-deg u soo gala Addis Ababba, sababta loogu yeedhay-na waxa weeye, in uu askarigu u saxeexo Itoobiya dhisidda Dekedda Saylac, askarigana la siiyo $15,000,000, kuna wareejiyo sidda ugu dhakhsaha badan. Wixii la warwa-reejin jirey iyo ila-meeraysaddii way soo dhamaatay, askariguna wuu ogolaaday, oo waa ku khasab in uu yeello. Midda kale waxay tahay:- Maraykanka oo isna la siiyey Sal-dhiga Berbera ee Badda Cas, si uu ugaga duullo Xuutiyoonta Yaman ee Taageera Dagaalka falastiin, taasi haday dhacdana, oo Maraykanku kaga duullo Berbera, waxa hubaal ah in ay Xuutiyiintu duqayn doonaan Berbera, Hargeysa iyo meel kasta oo ka mid ah maamulka askarta, waayo waxay haystaan Gantaallo gaadha Yuhuudda, Berberina way uga sii dhawdahay,oo dhulkay la simayaan wax ay ku daraan-ba, balse aan sugno maalmaha soo socdda waxay umusho, waa tan foolatay dumistii Somalilande ee wax yar dhawra.

* N.B.Haad-Ba-Haad Kici, Oo Haweeyaa Yimi!

Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...