Waxaan Ka Baqayaa In Guinea Conakry Ka Raali Galiso Somalia Soodhawaynta M/Weyne Biixi

0
Saturday July 06, 2019 - 14:40:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaan Ka Baqayaa In Guinea Conakry Ka Raali Galiso Somalia Soodhawaynta M/Weyne Biixi

    Asc Dadwaynoow Gude Iyo Dibadba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asc Dadwaynoow Gude Iyo Dibadba.

Waxaan Aad U Jeclaan Lahaa Iyadoo La Aqoonsado Somaliland, Oo Siday Ugu Farxeen Socdaalka M/Weyne Biixi Umada Reer Somaliland Ay Noqon Lahayd Mid Ictiraaf Aynu Ku Helnay.



Hadaba Dalkan Yar Ee Guinea Conakry Waa Dalalka Ay Reer Galbeedku Yidhaahaan Wuxuu Ka Mid Yahay Rogue States-Ka, Oo Somali Ahaana Noqonaysa Dalalka Aan Tamar Siyaasadeed Iyo Mid Dhaqaaletoona Aan  Lahayn Isla Markaana Baal Mara Xidhiidhka Iyo Sharciga/Qaanuunka Caalamiga Ah (International Relations/Law).


Waxaan Aad Ula Yaabay Qolada Muqdisho, Hadana Waxaan Kasii Yaabay Dadkeenii Somaliland. Qolada Muqdisho Waxaan Kula Yaabay Go'aanka Degdega Ah Ee Ay Ka Qaadatay Guinea!


Dadkeena Reer Somaliland-Na Waxaan Kula Yaabay Madax Iyo Mijo Muqdisho Iyo Farmaajo Ayaynu Ula  Hadalnay Sidiiyoo Ay Dhulka Inala Gooyeen!


Adigoon Caadifadi Ku Qaadin Ayaad Siyaasad Ahaan Istaagi Kartaa Meel Adag Oo Qaar Ka Mida Beesha Caalamkana Ay Kugu Raacaan. Laakiin Islaamihii, Odayaasii, Dhalinyartii, Mutacalinkii, Xildhibaanadii Mar Kaliya Ayay Sanaadheen. Qaranimada Ilamaha In Sidaa Lagu Difaaci Karo.


Waa Inaynu Ka Fikirnaa Waxa Ina Dhiman Sidii Aynu U Dhamaystiran Lahayn, Sida In Laga Hawl Galo In Dib Loosoo Nooleeyo, Waa Hadii Ay Jirijirtaye, Xuduud Inoo Dhaxaysay Inaga Iyo Somalia Ka Hor Israaceenii. Waayo? Shacbi Waynu Leenay, Lacag Waynu Samaysanay, Baasaboor Waynu Samaysanay, Laakiin Xuduudi Ma Jirto!!!!


Isku Soo Xooriyoo, Maadaaba Kursiga Qaramada Midoobay Ay Fadhido Soomaaliya, Waxaan Ka Baqayaa In Wadankan Yar Ee Uu Haysto Dictator-Kii Markii Ay Xorowday Qabsaday, In Un-Tu Cadaadis Saarto Dabadeedna Uu Raali Galin Siiyo Farmaajo Iyo Dawlada Federaalka.

 

Shaqsi Uma Jawaabo, Afxumana Umada Uma Horseedo, Taasaynu Isku Ognay Akhristayaal!

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...