Illintaa Tifiq le' . Qalinkii: Sadam Osman Kaabash

0
Saturday July 06, 2019 - 14:31:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Illintaa Tifiq le' . Qalinkii: Sadam Osman Kaabash

    Waa hiimse-hiimse maqrib laga soo doogay oo salaaddii Cishaa loo xamaan aruursanayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa hiimse-hiimse maqrib laga soo doogay oo salaaddii Cishaa loo xamaan aruursanayo.
Waayeelka tukubaha sitaa waxa uu ku hoyday degsiimadii uu seexan lahaa markii uu Faralkii Maqrib isku hubsaday. Waayeelka xoogga ah iyo dhallinyaraduna masaajidka ayey isku shubeen si' ay faralka Cishaa u oogaan. Aniga oo meel aan durugsanayn ka soo lugeeyeyna waxaan soo higsanayaa in aan faralka Cishaa ka gaadho masjidka marinkayga ah. Cagaha wax ka deyid iyo socod darandooriya waxaan ka soo gaadhay rakcaddii labaad. Waxaanu halkaas ku dhammmaysanay salaaddii Cishaa. Wadaad tabliiqi ah oo hadal deggan ayaa si' naxariis leh nooga codsaday in aan loo kale tegin ducada.


Waxa codbaahiyii qabsaday wadaad codkar ah, Allena gudbinta iyo hadal jeedinta nimco ahaan u siiyey. Waxa uu ka sheekeeyey oo uu soo gunaanadayaayadka Kawniga ah ee muuqda. Waxa uu cindiga dadka ku sawiray dhammaan mucjisooyinka aan qarsoonayn, qof kastaana fool-ka-fool maalinkasta u arko. Waxa uu qof walba maankiisa ku qoray kelimaad aan qarsoonaanayn oo weynida Eebbe iyo jiritaankiisa muujinaysa. Waxa uu hoga tusaaleyey muuqaalka guud ee noolaha iyo ma-nooluhu iyo sida jaanta go'an ee Alle ugu tasbiixsadaan. Waxa uu qaawiyey dadkana tusay daaqad shaydaan kuududo oo dadka ka indhasabaysay in ay digriga badiyaan.Sheekhu waxa uu qofkasta u bidhaamiyey intiisa marka loo eego xagga cibaadada.Sheekhu waxa uu dadka baray Allahooda korreeya. .

Ugu danbayn, waxa codbaahiyaha la wareegay amiirkii. Waxa uu ahaa oday gadh-casaaya, tima badana aan lahayn, da'da iyo weynidu ka muuqato. Waxa dhegta loo geliyey codbaahiyaha. Waxa uu bilaabay duco. Allahayaw adiga ayey mahadi kuu sugnaantay. Allahayaw adiga jiif iyo joog ba noogu nimceeyey. Adiga ayaa wanaagaaga oodhan noo sugay. Caafimaad taama, arzaaqad waasica, nimcada islaanimada iyo iimaanka ee aad nagu mannaysatay Alle noo siyaadi. Wixii buka iyo wixi badqaba ba Allaw naxariistaada gaarka ah u fidi. Wixi dhib ka cabanaaya Allaw naxariistaada gaarka ah u gaaryeel. Masiibooyinka dagaalada, xanuunada iyo kale tagga Allaw naga salaamadyeel. Wixi dhibban Allaw naxariiataada ku sooryee, wixii nimcaysanna Allaw nimcadaada u siyaadi. Sheekhu waxa uu noqday ilmo hooraysa, codkiisii cabsi aawadeed ayuu naaqusmay. Dhammaan dadkii masjidka fadhiyey waxay noqdeen kuwa oohinta iyo ilmada tifiq le' isla oogsaday wakhti yar ka dib.


Sadam Osman Kaabash.
Biomedical Scientist
Hargeisa, Somaliland.
Degmada: Maxamed Mòoge.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...