Muuse Biixi Oo Safar Ugu Baxay Dalka Itoobiya.
Hargeysa -(HWN)- Muuse
Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka
Ethiopia.
Madaxweynaha iyo
xubnaha weftiga ah oo marti-qaad rasmi ah ka helay Ra'iisal wasaaraha Dalka Ethiopia
mudane Abiy Ahmed Ali, ayaa madaarka caalamiga ah ee Cigaal International
Airport ka raacay diyaarad gaara oo uu Ra'iisal wasaaruhu u soo diray weftigan,
waxaanu safarkoodu qaadan doonaa maalmo kooban,sida ay sheegtay Madaxtooyada
Somaliland.
Muuse Biixi waxa
safarka ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha Qorshaynta iyo Horunarinta
Qaranka, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali
Shire, ku-xigeenka Ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska, Muuse Ibraahim
Selef, halka wasiirka arrimaha dibadda
iyo xidhiidhka caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud uu dalka Ethiopia kaga sii
horeeyo weftiga.
Safarkan ayaa imanaya
xili todobaadkan uu Muuse Biixi Dalka Jabuuti uu kulan kula qaatay Madaxwayne
Xasan sheikh, lamana oga in xidhiidh ka dhexeeyo shirka Jabuuti uu safarkan saaka
uu Muuse Biixi ku tagay Itoobiya.