Booqashaddii Dalkii Indhoolayaasha Somaliland ( Ali Biixi).

0
Sunday December 31, 2023 - 12:13:25 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Booqashaddii Dalkii Indhoolayaasha Somaliland ( Ali Biixi).

    Waa booqashdaydii dalkii indhoolayaasha .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa booqashdaydii dalkii indhoolayaasha .


Buuro dhaadheer aniga oo marba mid dusha uga baxaaya ,
ayaa markii danbe , kabtii ila siibatay oo aan Buurtii dhinaca kale uga dhacay .
Waxaan dusha kaga dhacay Cariish aan saqaf lahayn ,
Cariishku saqaf muu lahayn ’ albaab-na ma lahayn ’
daaqado-na ma lahayn.
Laakiin dhaawac badani ima soo gaadhin .


Waxaan arkay dad badan oo isdaba socda oo lugaynaaya oo aad moodid in ay INDHO LA' YIHIIN ,
sida ay isu dabasocdaan .
Waan la hadlay oo waan salaamay, laakiin iimay jawaabin , ismanay taagin .

Kadibna waxaan weydiiyay in ay i arkayaan iyo inkale iyo in ay INDHO LA'YIHIIN ?
Waxaan ku idhi :
Miyaad indho la'dihiin?
miyaydaan i arkayn?
Waxay i weydiiyeen:
waa maxay idhuha iyo waxa aad ka hadlayaa?
Hadana waxay i weydiiyeen :
waa maxay araga iyo waxan aad sheegaysaa ?
Waa maxay waxyaabahan aanaan weligayo maqlin ee aad ku hadlaysaa ?
Markaaba waxaan ogaaday inaanay waxba arkay , oo indhahoodu aanay jeexnayn .

Kadib waxaan su'aalay :
miyaydaan Buurahaa dhaadheer iyo Cirkan iyo Dhirtan iyo Dhulkan aydaan arkayn ?
Waxay dib iigu celiyeen su'aashii : waxan aad ka hadlaysaa waa maxay ee aanaan hore u maqlin ?

Markaa waxan ogaaday in ay weligood sidan ahaayeen , oo ay indho la'aayeen ’ oo sidan ku wada dhasheen , iyaga iyo Waalidkood iyo awoowyaashood .
Waxan uu sheegaayona aanay weligood maqlin , oo ay moodayaan in uu cudur cusub yahay .

Dadkanu muddo 6 awoow laga joogo ’ sidan ayay ahaayeen , oo isku dhaleen , markii uu cudur indhaha kaga dhacay , ee ay indho beeleen , oo ay muddo dhawr boqol oo sano , ay sidan ahaayeen , oo u noolaayeen.

Kadib waxay u sheegeen markii uu muddo la noolaa ,
in haddii uu doonaayo in uu la noolaado ,
In uu CUDURKAN INDHAHA la yidhaahdo iyo ARAGAN in uu iska daweeyo , oo ay ka daweeyaan , oo uu la mid noqdo.
Haddii kale aanu la noolaan karayn , oo aanu ka mid noqon doonin ,
Oo ay weliba diyaar u yihiin in ay ka daweeeyaan cudurkan uu qabo ee uu sheegaayo had iyo jeer , ee isaga oo qudha ku kooban.
Haddii kale uu ka dhex baxo , oo meeshii uu ka yimi ku noqdo.

Hadaba dhawaan waxaan soo booqday dal (ama Tuulo) dadkeedu ay wada INDH LA'YIHIIN , oo ila yaabay waxa aan ka hadlaayo iyo waxa aan u sheegaayo .
Oo igu yidhi: haddii aad doonayso in aad nala noolaato , oo naga mid noqoto :
Waa inaanu kaa daweynaa cudurkan aad qabto ee la yidhaahdo INDHAHA iyo ARAGA ,
oo aanu kaa soo saarno , oo aad sidayada noqotaa .
Haddii kale aad ku noqotaa meeshii aad ka timi ,
oo aanad cudurkaagan na qaadsiin.

Waxaan ku idhi : iyara suga waan soo tashanayaayee .
Kadibna markii aan fekeray ’ waxaan doortay in aan iskaga tago ( dhoofo) oo aanan la noolaan karayn ,
oo aanan ka mid noqon karayn ,
oo aanan ka maarmayn indhahayga iyo aragayga .
Oo aan iskaga noqdo meeshii aan ka imi ,
ee ay ku noolaayeen dadka indhaha qaba , ee wax arka .

Waa booqashadaydii dalka (Somaliland) ee ugu danbaysay.
Waa dad indha qaba , laakiin aan waxba arkayn .
Waa dad u fekeraaya , sidii dad indha la' .
Waa dad la yaabaaya , dadka indha qaba , ee wax arkaaya .
Waa dad aan ogolayn cid wax arkaysa , oo u sheegaysa .
Waa dad aduunka maanta ku nool , laakiin caqligoodu iyo maskaxdoodu iyo fikirkoodu iyo aragtidoodu ay tahay.
dad qarniyo hore nool ( 300
oo sano) sidii loo noolaa u nool ,
oo u fekera .
Laakiin aan ogayn .
Oo hadana isu haysta in ay wax kasta garanayaan , oo wada aqoon yahaniin yihiin.
Waa wada aqoon yahan , aan aqoon lahayn .

Waa booqashdaydii dalkii indhoolayaasha .

Cali MaxamedBiixi
Calibiixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...