Qaybtii 2aad Waraysiggii Abdi-Shotaly Iyo Ibliis ( Abdi-Shotaly)

0
Sunday December 31, 2023 - 10:47:07 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybtii 2aad Waraysiggii Abdi-Shotaly Iyo Ibliis ( Abdi-Shotaly)

    * N.B Askariga Xaafad-Tooyadu Waa Qof Aan ku Shaqaysan karo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Askariga Xaafad-Tooyadu Waa Qof Aan ku Shaqaysan karo

Ibliis ayaa nooga waramay wax qabadkii askariga " Raggii ma adigaa Ka hadhay" ee sanadkan dhamaaday 2023 iyo qorshihiisa sanadka danbe 2024-ka, waxana uu sheegay in sanadkan dhamaaday ee 2023, uu ahaa sanadkuu ibliis ugu farxad badanaa, oo ay raali geliysay wax qabadkii dhibaatooyinka Askarigu dalka ka geystay gebi ahaan-ba.


Waxaanu ka mabsuuday dhiigii faraha badnaa ee qulqulay, kaas oo mudo 9-ka bilood iyo ilaa imika socda, dhaawacii tiradda la'aa iyo colaad aan dhamaanayn in uu dalkii ka abuuray iyo dagaalo qabaa'il oo maalin kasta meel ka taagan. Xasiloonidii iyo nabad gelyadii dalka oo cirka askarigu kaga laalay somaliland.
In uu bulshadii colaad, nacayb iyo kala qeybsanaan balaadhan dhex dhigay, weliba ay sii dheer tahay
Kii iimaan ahaa oo ganacsataddii si wacan uga qaadnay.


Waxa kaloo caadi noqotay dulmigii, dilkii, xadhigii, beentii oo lagu ceeshaayo, runtii oo daaqadda laga tuuray, oo hadeer lala yaabo qofka run ku hadla. Xaq-daraddii oo lagu faanaanayo, tuugaddii oo xirfad lagu xoogsado isugu biyo shubatay, daacaddii oo nacas loo yaqaano, cadaaladdii oo la yidhi nin tamar yar baa wax ku barya iyo qof liita, gartii oo ruux xoog leh uu dantiisa ku fushado, qabyaaladdii oo birin-birqaynaysa siddii nirig dheregtay, xishoodkii oo lala yaabo, xayaddii oo dhimatay, sharciggii oo aan shaqayn, noqday-na sidaan doono baan ka yeelayaa, ee yaa wax iga qaadi kara?


MR Ibliis waxa kaloo uu nooga waramay, qorshaha iyo shir-qoolka ay labadda askari iyo salebaan gaal la damacsan yihiin dalka Somaliland iyo dadka shicibka ah, waana kuwan su'aalo aan weydiiyey iyo jawaabii uu Mrs Ibliis bixiyey:-


S-Waxaanu waydiinay: maxaa Askariga ka maqan ee uu raadinayaa?
J: Markiisa hore-ba waa dad fara ku tirsiga ah ee aan la shaqayn karo, wax-bana kama maqana, ee aniga oo ah Mrs Ibliis baa qandaraas ku siiyey in uu bello u joog ahaado, wanaag-na ay kala dhaqaaqaan, si waafi ahna wuu u wadaa hawsha aan u egmaday:-
S- Muuxuu ka doonay Askarigu jabuuti iminka?

J: Wuxu ku qarinayaa hoogiisa iyo jabkii kaga dhacay Sool, Waxa uu doonayaa in uu dadku ku mashquuliyo oo la ilaawo, su'aashii laga sugaayay in uu ka jawaabo ee ahayd : (Maxaa ciidankii qaranka jebiyay?) Sidaas awgeed waa majaro habaabin aan anigu u dhiibay. Jabuuti-na waxa u yeedhay kii kale ee noo shaqeyn jiray Ismaaciil Cumar Geele oo ah macalin-kiisa insiga ah ee la taliya, wuxu ku yidhi weligaa meesha iska fadhi sidayda oo kale, oo lacagtan maraykanku la ordaayo inooga reeb. Isaga oo aan doonayn in dal-kiisa laga weeraro Yaman, ayaa waxa uu doonayaa in Yaman laga weeraro somaliland, oo halkaas Xuutiyiintu sawaariikh Hargeysa iyo Berbera kaga soo garaacdo kuna
burburiyaan. "Raggii ma adigaa ka hadhay" Waa nin iimaan la'
Oo lacag urursi laga raacay.

Waxa kale oo uu jabuuti u tegey, in uu hub u soo rarto cadawga gudaha ( Waa Garxajise) uu kula dagaalamo, oo aanu doorasho qaban.

Sidaas awgeed askarigu shaqo fiican ayuu noo hayaa, isaga oo yninka Munaafaqadda madaxdda ka ah hoos taga ( Waa Saleebaan Yuhuudiye), Askarigu waa nin ii daacad ah, oo wax walba aan ku aaminay ayuu yidhi Mrs Ibliis. Intaas bay ku dhan tahay War-bixinta ibliis ka bixiyay Askariga " Xaafad-tooyadda iyo qorshayaa-shiisa iyo shir-qooladiisa sanadkan 2024-ka
kala soco qeybaha danbe iyo wareysigii Ibliis.

* N.B Askariga Xaafad-Tooyadu Waa Qof Aan ku Shaqaysan karo
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...