Koriweyday Somalilantii Uunku Kohanaayey,Kob Cagaaran Kama Soo Durdurin,Kaahin Iyo Biixi,

0
Sunday December 31, 2023 - 10:43:39 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koriweyday Somalilantii Uunku Kohanaayey,Kob Cagaaran Kama Soo Durdurin,Kaahin Iyo Biixi,

    Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.



Bismillahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

Kori Weyday Somalilaan Taynu Kohanaynay,

 

Kobtu Daahir Kaga Tegay,Ayay Kuududa Weli,



 

Koox Koox Ayay Noqotayo,Siiba Kala Guurtay,

 

Kaadidoda Kuwii Soo Cabaye,Lagu Karameyay,


 

Kaalintood Gabe Odayadii,Loo Kaltirinaayay,

 

Kayn Cagaara May Furin,Hashay Kuman U Laayeen,


 

Kaba Darane Way Kala Direen,Kooski Wadareedba,

 

Kolka Yaan Ku Aamini Kara,Kursiga Qaba Kadeedka,


 

Kala Dheeri Iyo Kaaf,Hadday Kaadsigaba Diiday,

 

Kuligeedba Soomaalidaanu,Kaafiyayn Qaranba,


Kala Guur Adunyadan Ahe,Kawnka Ku Colowday,

 

Kufriyo Islaam Kala Baxde,Kodadii Guud Taagan,


 

Kol Haddan Koriin Laga Sugayn,Kibirku Waa Beene,

 

Kaftankii Dhaaftay Maanto,Runtaa Kaamilo Timide,


 

Kiilnaba Kuwaanku Gelaynine,Kaalintana Buuxshay,

 

Koolkoolin Been Been Ahoon,Kadinkan Gaadhaynin,


 

Koob Biyoodna Kuu Soo Shubayn,Kuguna Doodaaya,

 

Kaalayaay Kolkuu Yidhi Kulmiye,Kaadhkiibu Gubaye,


 

Kaydkaad Dhigteen Waan Helayo,Kaahinow Aragnay,

 

Kala Hadhise Mayso Somaliduyo,Kaarku Wada Gaadh,


 

Kolbay Wada Dumaysa Dhamaan,Karis Xumaanteeda,

 

Kurbo Iguma Hayso,Kol Horaan,Kala Huleel Qaatay.


 

Kariimow Allahayoow Adigu,Kadin San Noo Sii Fur.

 

Ismaial Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...