Somaliland Oo Qorshaynaysa Inay Xafiis Dublamaasiyadeed Ku Yeelato Dalka Turkiga.

0
Monday March 11, 2019 - 12:28:31 in News by
  • Visits: 1204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Qorshaynaysa Inay Xafiis Dublamaasiyadeed Ku Yeelato Dalka Turkiga.

    Somaliland Oo Qorshaynaysa Inay Xafiis Dublamaasiyadeed Ku Yeelato Dalka Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Qorshaynaysa Inay Xafiis Dublamaasiyadeed Ku Yeelato Dalka Turkiga.

Hargeysa(HWN):-Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Muuse Abees oo mudooyinkii u dambeeyay socdaal-shaqo ku joogay dalka Turkiga ayaa kulamo kala duwan kula qaatay Dalkaasi Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Turkiga .


Wasiir Abees ayaa kulan la qaatay laba masuul oo kala ahaa Xoghayaha Arimaha Afrika U Qaabilsan Turkiga Ahmed Rıza iyo Uqaabilsanaha wada hadalka Somaliland iyo somalia Olgan Bekar

Kulankan oo ka qabsoomay Wasaaradda arrimaha dibadda Ee Turkey-ga, ayaa waxaa ay lagaga wada hadlay, Sidii loo adkayn laha xidhiidh-ka ka dhaxeeya labaa dal, isla markaana loo furi lahaa xafiiska Somaliland ay ku yeelan doontoTurkey-ga,iyagoo taas-na soo dhaweeyay.

Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Msasuuliyiintan ayaa sidoo kale ka wada xaajooday Deeqaha waxbarashada, Mucaawinooyinka, Biyaha,Wadooyinka,Beeraha iyo Arrimo kale.


Loading...
Loading...