Maxay Socdaalkii Muuse Biixi Guinea Ku Tagey Kusoo Kordhisay Siyaasada Ka Dhaxeysa S. Land Iyo Dawlada Federalka Somalia???!!!

0
Saturday July 06, 2019 - 14:20:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Socdaalkii Muuse Biixi Guinea Ku Tagey Kusoo Kordhisay Siyaasada Ka Dhaxeysa S. Land Iyo Dawlada Federalka Somalia???!!!

    Hordhac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac

....wax cusub maaha in madax ka socota Somaliland  in laqaabilo, sifo heer sare ah. Ilaa intii S. Land madaxbaanideeda ku dhawaaqdey 18 May 1991-kii ilaa hada.

Bal aynu eegno xidhiidhadii kala duwanaa, ee madaxda Somaliland aduunka ku sameysteen.

(1)   


Xiligii C.Raxmaan Axmed Cali, waxey xidhiidh aad u dhow la yeelatey, meelo badan oo ka mid tahay, dalka Sudan oo ay usii mareen in C. Raxmaan Tuur isku ardey ahaan jireen, Dr. Xasan Al-Turaabi, oo ahaan jirey musdambeedkii dawlada Sudan. Tiraba dhawr jeer uu C. Raxmaan tageyna waxa lagu soo dhaweeyey maamuus dawladnimo. Taasina waxey aheyd uun mid ku sineyd saaxibtinimo, taas oo go’day markii C. Raxmaan taladii ka ka tagey. Sidoo kale waxa C.Raxmaan  si toos ah ula kulmey madax carbeed oo u ka mid yey, Sheekh Zayidkii Emirates ka xukumi jirey.


(2)    Cigaal, ayaa isna gaadhey, meelo kala duwan, wallow garowshiiyo uun ka raadin jirey. Lkn,  waxa cad in Cigaal, booqasho rasmi ah state visit ku tagey Kenya 1993 oo warbaahintu baahisay.


(3)    Daahir Riyaale,    waxa uu ahaa madaxweynihii gaadhsiiyey heerkii ugu sareeyey aqoonsiga S.land.  Tusaale ahaan 2004 kii waxa uu khudbad ka jeediyey House of Commons, aqalka parliament ka UK. 2005 shirkii African Union ka ee Addis Ababa, waxa  laga soo jeediyey arin ah  in S.land la aqoonsado kadib markii guddi xaqiiqul raadis ah ay gaadheen S.land. Sidoo kale wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka state of department iyo ta gaashaandhiga Pantigon 2008 dii ay casuumeen Dahir Riyaale talana ay ku bixiyeen in la aqoonsado. Waxa hodonti ah in wasiirkii arimaha dibada Liyamin Zuma 2004 kii ku dhawaaqdey in S.land iyo Western Zahara ay aqoonsan doonaan, taaso 2005 kii South Africa aqoonsi siisey Western Zahara, laakiin S. Land laga reebey.


(4)    Laga soo bilaabey 2010 intii Kulmiye party lawareegey, waxa uu ka door bidey horumar iyo dhaqaale raadis, halkaas oo S. Land daba carartey laac siyaasadeed ilaa ay gaadhey qool ay ku adagtey in ay ka baxdo. Manta meel u fayoow, siyaasadii S. Land ma jirto. Marka laga reebo DP World iyo dawlada Emerates ka mooyee, iyo Kenya oo dhaqdhaqaajineysa dooda muranka Badda Somalia ay ku muransanyiin.

 

Maahmaah baa tidhaa "Guinea Pig is the minor part of the Plot”  oo ah doofaar u eega Guinea waa godka muaamaradu ka bilaabmato.  Boqashada Madaxweynaha Somaliland Conokray ku tagey, waxa laga dhadhansanayaa in faragalin siyaasadeed ay ku jirto, sida dawlada Emerates oo rabta ciidankeeda kala baxayso, Yemen, oo 50 kun oo maleeshiyaad ah kaga tageysa oo yaminiin ah. Iyo ilaa 5 kun oo calooshooda u shaqeysataal ah kana yimid Colombia, Chile iyo Nepal kuwaas oo ay dawlada Erertria ay diiday, in la geeyo Casab iyagoo ka baqaya aargoosi Xuusigu u geesto dadkeeda iyo dalkeeda. Haa, Emirates ku waxay door bidaysa in la geeyo Berbera, iyadoo laga yaabo Xuusigu gantaalo kusoo weeraro aakhirkana Somaliland sida Maxamuud Xaashi sheegey dagaalka Yemen qeyb baan ka nahay.


Sidoo kale dawlada Kenya dagaalkeedii waxa ay rabtaa in docfaruur siyaasadeed Somalia kaga furto Guinea si ay tanaasul uga hesho kiiska Badda.


Dhanka Somalia, waxa ay dhaqaajisey, saaxibo badan, oo durba dhambaalo canaan ah, u direy durtaba dawlada Guinea Conakray, sida ay soo xigatey wakaalada wararka ee Associeted Press, dawladahaas waxa ka mid ah, Masar, Qatar, Turkey iyadoo loo sii marayo, shirgudoonka African union ee Masar ahna xilfiga Emirates ka, Turkey shirgudoonkii hore Ururka Islamka iyo Qatar oo iyana deeq bixiye iyo cudud dublimaasiyadeed leh.

 


Ugu dambeyntii, Malaga yaabaa hirdankan siyaasadeed in Somaliland Emirates ku kaga baxo oo awoodii go’doominta siyaasadeed ay waday dawlada Farmaajo sii xoogeysato, iyadoo la eegayo talaabooyinkii ugu dambeeyey ee Boqortoyada Sacuudigu qaadatey markii ugu horeysay intii Somaliland jirtey oo ah in dhoofka adhiga fasax ganacsi iyo mid caafimaadba looga raadsado Mogadisho, Somaliland aakhirkii aqbashey. Waayo siyaasado saaxiib malaha ee dano joogto ah bey Leedey.


Maxamuud Biixi Ahmed

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...