Waraysi Dhex Maray Abdi-Shotaly Iyo Ibliis ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday December 30, 2023 - 12:46:55 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waraysi Dhex Maray Abdi-Shotaly Iyo Ibliis ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Duulkii Inkaar Qaba Jinaa Daasadaw Tuma!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Duulkii Inkaar Qaba Jinaa Daasadaw Tuma!



Ibliis iyo shayaadiin-tiisii ayaa Somaliland iskaga baxsaday ,oo ka dhooftay. Kabacdi waxa la waydiiyay:- Maxaad uga baxsatay Somaliland, ee uga dhooftay shaqo fiican ayaad ka haysay? Waxa uu ku jawaabay:- Reer Somaliland iyo Madaxdooda iyo madaxweynahooda,


Waxaan baray Beenta, Musuq maasuqa, Laaluushka, Boobka, dhaca, dhiig la daadho sabab la'aan, dil, kan dhaawac, xadhig, dagaalo sokeeye, dulmi, kibirka iyo isla weynida.



Markaa wax aan u sii joogaaba meesha ma taallo,

Kol hadii ay iyagii shaqadaydii hayaan,


Oo weliba iga badiyeen. Wuxu yidhi Ibliis iyo Kooxddii Shayaadiin-tiisa ahayd hawl noo taalla S/Land ma jirto, oo waan dhamays tirnay, si wacana oo xirfad iyo aqoon leh-na, way uga socotaa taas oo meel walba gaadhay,


Shaqadii aan qaban lahaa-ba waxa ii haya askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" si aad iyo u wax qabad ah-na u wadda, intii badnayd-na ku guulaystay, siday ahayd-na u fuliyey. Ma jirto wadan kale oo aan sidaa gacmaha ugu hayaa. Mar aan aniga oo ah Abdi-Shotaly su'aal waydiiyey Ibliis ah :- Ma dhici kartaa in wax iska kaa bedelaan oo inta lagaa daba yimaado wixii aad fashay la baabi'iyo, Dabeed aad cidla ku dhacdo? Wuxu yidhi marna taasi mid dhici karta maaha.


Waxan akhristaw mar kale ibliis waydiiyey " Maxay u dhici kari waday ee hor taagan? Wuxuu iigu jawaabay sidatan soo socota ee Abdi-Shotaly iga qabo, waxan ku celiyey bal soo daa waxad sheegaysid, waana tan wixii uu ibliis igu yidhi:-


(a) Dalka waxan kaga tegsy nin aan aad u taba-baray, oo ah askariga aan xaafad-tooyadda ku ilaaliyo ( Waa ka sare magaciisu ku yaalo'e).


(b) Waxan sii hoos dhigay shaydaanka yar ee uu ku sii adeegto ( Waa geenyo-shaaximane), kaas oo aad iyo aad ugu dhego nugul, hadala aan ku celin karin, waxa uu u dirtana toos u qabataa, khalad-na aan u sheegi karin.


(c) Haddii aan ibliis ahay, waa laba askari oo shaqadda ay hayaan aan xoog ugu kalsoonahay.

(d) Waxan la taliye uga dhigay oday ruug-cadaa ah ku ah xaajooyonkan " Waa Saleebaan Yuhuudi" oo ah nin aad u yaqaana, si wacana ugu caan-baxay " Munaafaqadda, is colaysiinta beelaha, dagaal abaabulka, beenta, iska hor-keenka, sidda naxliga loo beero, waa khabiir aad ugu xeel dheer sidda arimaha foodda la isugu geliyo iyo sidda cayubka loogu celiyo.


Muwaadin ugu dambayn, wuxu Mr ibliis ku soo gaba-gabeeyey, waraysiggii na dhex maray aniga iyo isaga, oo uu ii sii raaciyey, wax-ba ma qaadataane waxa ay maraysaa Murtiddii Tima-Cade Alle haw naxariisto'e ee ahayd " Duulkii Inkaar Qaba jinaa daasdaw tuma" Anaa imika shukaanta u haya oo ma jirto waxa aan uga baqaa S/Land in ay caadi ku soo noqoto, mana filaayo, wakhtigan xaadirka, waayo aniga iyo shaqaala-hayga bay 100% faraha iigu jirta. Kamana bixi karto wax kaste oo yimaadda, oo waxan sii hoos dhigay qaar aan wax-ba ka xishoon, wax-na ka af macaan, oo si doqoni ma garato ah aanu beelaha u dhex gelinay, kana shaqeeya kala erigoodda oo qudha. Waxaa ka mid ah " Bakhti-Dhego-Weyn, Kooraysane, Nabane, Cali Madhane- Gafanaha Fuurey ( Waa Buuni), Bukhaari neef, Xinif, Hilible Xasan Shahar iyo qaar kaloo badan.


Wuxu ku soo xidhay waraysiggii meeshani ( Waa S/Lande) Way idin daysay, rajoba idiin-ma laha iyo wax aad ka sugtaan, waxay martay dariiqii aan ugu tallo galay, ee tan ka samra.


* N.B Duulkii Inkaar Qaba Jinaa Daasadaw Tuma!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...