Shirka Jabuuti ka socda, ma aha shir lagu wada hadalsiinayo Somaliya iyo Somaliland. Waa shir dhegareed loogu tashanayo beesha Daarood iyo beesha Garxajis.

0
Saturday December 30, 2023 - 12:09:22 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Jabuuti ka socda, ma aha shir lagu wada hadalsiinayo Somaliya iyo Somaliland. Waa shir dhegareed loogu tashanayo beesha Daarood iyo beesha Garxajis.

    Hadaba su'aashu waxay tahay, waa maxay sababta shirkan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba su'aashu waxay tahay, waa maxay sababta shirkan



Muuse Biixi wakhtigiisii waa dhamaaday, wuxuuna ku joogaa Xafiiska Muddo korodhsi. Sidaas darteed, ma geli karo wada hadal.


Ismaciil Cumer Geelle iyo Xasan Shikh, waa ogyihiin inaan Muuse Biixi haysan mandate uu wada hadal ku galo, sababtoo ah doorashadiiba waxa ka hadhay wax ka yar sanad.



Hadaba su'aashu waxay tahay, waa maxay sababta shirkan loo qabtay wakhtigan? Maxaase loogu magacaabay wada hadal Somaliya iyo Somaliland, iyadoo aan xukuumad rasmi ah ka jirin Somaliland?

Jawaabtu, waa 2 arrimood.

1.Waa shir loogu tashanayo beesha Daarood ee Somaliyeed . Si loo qariyo ujeedadiisa qarsoona waa in lagu magacaabo shir wada hadal Somaliya iyo Somaliland. Waana shir daba socda shirarkii hore loogu qabtay dalka Jabuuti ee lagu abuuray xulufada Irir Samaale.


2.Shirku, waa shir meesha looga saarayo wax doorasho ah oo Somaliland ka dhacda, iyadoo Col. Muuse Biixi loogu diyaarinayo inuu noqdo keligii taliye aan dhicin weligii, sida saaxiibkiis Ismaciil Cumer Geelle. Waana sababta Somaliya loo hor fadhiisiyey, isagoo bilo kooban uga hadhsanyiin xilkiisa.


Mudooyinkii u dembeeyey, waxa Somalida geeska Afrika laga dhex faafinayey siyaasado iyo abaabulo ku qotoma Daarood naceyb iyo Daarood fogeyn. Siyaasadahaasi, waxay ka soo burqanayeen caasimadaha Muqdisho iyo Jabuuti. Abaabuladaas Daarood faquuqida, waxa si toos ah u abaabulayey una maalgalinayey Madaxweynayaasha Somaliya iyo Jabuuti.


Laga bilaabo maalintii Xasan Shiikh Xilka la wareegey illaa maanta , waxa hudheelada waaweyn ee magaalada Muqdisho ka socda xaflado waaweyn oo dowladu fasax siisay, ayna wadaan siyaasiyiin iyo madax dhaqameed waaweyn ee beelaha Hawiye ee Xasan Shiikh ku abtirsado, kuwaasoo abuuraya xulufooyin cusub iyo magacyo cusub oo lagu kala qeybinayo ummada Soomaaliyeed.


Abaabulka, is xulufeysiga iyo durbaanada colaadeed ee Daarood fogeynta iyo faquuqida ku dhisan ee Xamar laga wado, waxa asal ahaan laga soo dhoofiyeyCaasimada Jabuuti, ugu dembeyna waxa loo gudbiyey Hargeysa iyo Muuse Biixi.


Ujeedka laga leeyahay siyaasadaas waa in hoos loogu dhigo saameynta beelaha Daarood ku leeyihiin Siyaasadaha geeska, siiba Somaliya. Iyo in lagu duudsiyo xuquuqaha ay leeyihiin deegaanada beeshu degto.


Meelaha sida gaarka ah waqtigan loo bartilmaameydsanayo shirka Jabuuti waxa ka mid ah, sidii loo burburin lahaa dowlad goboleedka Puntland iyo maamulka Khaatumo oo Xasan Shiikh iyo Muuse Biixi si gaar ah u daneynayaan inay burburiyaan.


Qorshaha Daarood faquuqa ee Jabuuti, waxa ka mid ah, in Kooxda Axmed Madoobe ee Kismaayo ka talisa, la yidhaahdo idinku waxaad tihiin Daaroodka wacan ee ka mid noqda qorshaha lagu burburinayo Daaroodka xun, ujeedada laga leeyahay qorshahaasna waa in la kala dhantaalo awooda beesha Daarood.


Xeeldheerayaashu waxay tilmaamayaan, in sababta beesha Daarood loo bar tilmaameysanayo ay salka ku heyso, taariikho hore iyo awoodaha ay ku leeyihiin dalalka Somaliya, Itoobiya iyo Kenya oo Sidaas darteedna, ay go'aansadeen inay khadka ka saaraan, iyagoo adeegsanayo siyaasadaha ku dhisan is xulufeysi iyo is gaashaan buureysi.


Dhinaca kale, Xasan Shiikh iyo Ismaaciil, haddii ay dan Somaaliyeed ka shaqeynayaan, ma garan waayin inay sugaan doorashada Somaliland, kadibna wada xaajood la bilaabaan dowlada cusub, laakiin qorshuhu waa inaan Somaliland doorasho ka dhicin oo Muuse noqdo Madaxweyne aan dhicin sida Ismaaciil Cumer Geelle. Waana inaan Wadani Kursiga iman. Waa in Garxajis Kursiga laga ilaaliyo oo loo faquuqo sida beesha Daarood.


Hadaba, maxaa la gudboon beesha Daarood ee ku dhaqan geeska Afrika iyo beesha Garxajis ee Somaliland ku dhaqan?


Waxa la gudboon inay sameystaan isbahaysi , mid ciidan, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba, una diyaar garoobaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen dhagaraha qarsoon ay u maleegayaan 3 da sharwade ee ka shaqeynaya kala qeybinta iyo isku dirka ummadda Somaliyeed iyo tan Somalilandba.


Xusbiga Wadani iyo taageerayaashiisu, waa inay hubiyaan in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.

Qore. Naaleeye

30.12.2023

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...