Somalia Waa Xaraash (Ali Biixi).

0
Saturday December 30, 2023 - 12:03:30 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 478
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia Waa Xaraash (Ali Biixi).

    Midowga dawladaha Bariga Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga dawladaha Bariga Afrika.


East Africa Federation

Midowga dawladaha Bariga Afrika.

 

 

Aniga oo aabbahay la liita

Ayaa aabahayna aabihii keenay.


 

Somaliya iyada oo dadkeedii iyo dadkeedii daryeeli kari la'

Oo aan dalkeedii intiisa badan ka talin



oo maamulka dawladnimo iyo xukuumadeed ka talin oo dawladnimadu dalka wada gaadhin oo maamul goboleed kastaa ka taliyo gobolkiisa oo aan midnimo lahayn.


Oo dhibaatooyin badani ka jiraan ayay xukuumaddii somaliya waxay doonaysaa oo ay saxeexday in ay ku biirto dawladaha midawga Bariga Africa ( East Africa Federation) .


 

Hadaba somaliya dalal dhisan oo sharciyadoodii ay u dhisan yihiin .

Somaliya ma ku biiri kartaa oo heshiis ma la geli kartaa midawgan?

 

Hadii aynu su'aalo iska weydiino:


1- 7 dal ayaa isku biiray oo heshiis wada galay ( Kenya- Tansaaniya - ugaandha - Ruwanda - congo - mozambique iyo somaliya

7- dan dal waxay ka midoobayaan dhinaca:

2- dhinaca dhaqaalaha

3- dhinaca xuduudaha oo laysu furayo.

4- dhinaca lacagta oo lacag qudha la wada qaadanaayo.

5- dhinaca ciidamada oo ciidamada la midaynaayo

Oo meel qudha laga wada xukumaayo (talinaayo) .

6- dhinaca siyaasadda arimaha dibadda.

7- calan qudha ayay wada yeelanayaan.

8- madaxweyne qudha ayay wada yeelanayaan.

9- ciidamada Afrikanka ah ee Muqdisho jooga

Waa la qaramaynayaa oo ciidamada somaliya ayay ka mid noqonayaan.

10- luqad ( afka) sawaaxiliga ayaa lagu wada jadlayaa.

 

- hadaba maxay somaliya ku bedelanaysaa madax banaanidii iyo calankii iyo dawladnimadii?

-Maxay Soomaalidu iyo somaliya ka faa'iidaysaa midawgan?

-maxaa khasaare uga imanaaya midawgan somaliya?

- shuruucda dalalkan ay leeyihiin

Waa shuruuc diinteena iyo dhaqankeenu aanay aqbali ( ogolaan) karin .

Markaa ma qaadan karnaa ?

- shacabka Soomaaliyeed ma la ogeysiiyay arinkan socda?

- ma ka warhayaan?

- afti ma laga qaaday ?

- baarlamaanka Soomaaliya ma ogyahay arinkan?

Ma la horkeenay?

Waxna ma laga weydiiyay?

-goorma ayay haboon tahay in midawgan oo kale ay somaliya ka qeyb qaadato?

- somaliya ma leedahay dad u diyaar ah oo wax ka garanaaya

ama wax ka fahmaaya arinkan?

Iyaga oo la liita maamul goboleedka lagu soo dhex tuuray .

- somaliya miyay u baahan tahay in ay ku biirto midawgan Africanka ah ?

 

Hadii ay somaliya ku biirto midawgan

Madax banaanidii iyo calankii iyo dawladnimadii halkaas ayaa lagula wareegayaa dalkii Soomaaliya la odhan jiray .

Dadkii soomaaliyeed halkaas ayay ku dhex milmayaan .

 

Hadaba maxay xukuumadda somaliya heshiis kan u saxeexday?

Qorshahan iyo shirqoolkan yaa ka danbeeya ?

Yaa ka danbeeya shirqoolkan?

Maxaad ka leedahay qorshahan adigu ?

Muxuu arinkan kula yahay adiga ?

 

Cali Maxamed Biixi

Calibiixi⁸

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...