XASAN DHAMAC CAABBI (AHUN) WAXA UU AHAA GEESIYAGGI.

0
Saturday December 30, 2023 - 12:00:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XASAN DHAMAC CAABBI (AHUN) WAXA UU AHAA GEESIYAGGI.

    Haddaba Xasan Kayd markii uu hana qaaday Iskuulkiina..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaba Xasan Kayd markii uu hana qaaday Iskuulkiina..


Xasan Dhamac Caabbi waxa uu dhashay kadib calan gaadashaddii 1960kii, kaasi oo ay Somaliland ka hanatay boqortooyadda United Kingdom, hase ahaatee daleedda la dhigay. Xasan oo uu dhalay Dhamac Caabbi Cawad,waxa uu ka soo jeeddaa qoys balaadhan oo ah reer Caabbi Cawad Bahdoon, daga meelo badan oo kala duwan hanti ma guurta ahna ku leh mudo dheer sida Hargaysa, Xarshin iyo meelo kaleba awoowgii Caabbi Cawad waxa mar ahaa reer Qabritaharre mar kalena Reer Awaare, haddana xuddun waxaa u noqotay Hargaysa in kastoo ay wali si xoogga u dagan yihiin Qudhac Raamaale iyo Xarshin waxaase ay badiba dagan yihiin Hargaysa, oo ay dhanka ganacsiga caan ku noqdeen aadna loogu bartay guud ahaan.



 

Caabbi Cawad Bahdoon, waxa uu dhalay Maxamed Caabbi Cawad, Caasha Caabbi Cawad, Aamina Caabbi Cawad, Dhamac Caabbi Cawad,Jaamac Caabbi Cawad, Malko Caabbi Cawad, Canab Caabbi Cawad, Aniisa Caabbi Cawad, Khadra Caabbi Cawad,Cumar Caabbi Cawad,Cabdi Caabbi Cawad,Mustafe Caabbi Cawad iyo guri danbayskiisii oo ahaa lid Caabbi Cawad, sida ka muuqata tafiirta Caabbi Cawad Bahdoon waxa uu xasan abbihii Dhamac Caabbi Cawad noqonayaa Ilmihii afaraad ee uu Eebbe ku galaday Caabbi Cawad Bahdoon. Halka Xasan Kayd Dhamac Caabbina noqonayo Ilmihii labaad ee Eebbe ku galaday Dhamac Caabbi Cawad isagoo hooyaddiina ayahayd Xabiiba Cismaan, oo ahayd qof joog iyo qurux u dhalatay midabka casaanka ahna ahayd, taasi oo aad loogu majeeran jiray quruxddaa Eebbe siiyay kana raaceen carruurteeddi sida Xasan Kaydiyo Walaalki Cabdi Dhamac Caabbi oo kor uga wayna waxaanad isba odhanaysay inay hooyadood Xabiiba Cismaan ka soo jeeddo Carab sida ay u ahayd casaan widhwidhaya oo aad u iftiimaya, runtina qofkii yaqaanay uu aad u dareemi karayo jooggeeddii iyo quruxdeeddii


 

Haddaba Xasan Kayd markii uu hana qaaday Iskuulkiina dhamaeeyay waxa jiray kacdoonkii ay dadka reer Somaliland kaga soo horjeeddeen Maamulkii Muqdisho iyo Soomaaliddii uu Taliyaanigu gumaysan jiray, kuwaasi oo afka u dhigtay gobanimaddii ay dhashadeen 1960 bishii June, ee ay uloogeen NL oo ahaa xisbiggii ugu tunka waynaa dhankii Somaliland, laakin ahaa mid ka aradan aqoonta siyaasadeed iyo fahamka dal Madaxbanaani waxa uu yahay, kuwaasi oo gacanta ka saaray Soomaaliddii u Taliyaanigu gumaysan jiray si dadbana ugu yidhaahdeen "hooya oo na xukuma” ilaa Siyaad Barre soo dhacay.Halkaas ayuu Xasan Kayd Dhamac Caabbi, ka qabsanayaa janbigga tareenkii dib u soo celineed ee gobanimadda la baylihiyay ee shacbigga reer Somaliland ku maraysa 63 sano, oo ay Somaliland tahay wadan Somaliya ka mid ah.


 

Arintaas aan ka so sheekeeyay baa kaliftay Xasan Kayd Dhamac Caabbi, isaga yo kumaankum kale oo dhalinyaroa inay ka mid noqdaan dhaqdhaqaaqii waddanigga Soomaaliyeed ee (SNM), kuna soo qaatay tababar adag aaaga baabuli sanadkii 1982, Xasan waxaa u dheeraa geesinamddii uu lahaa isagoo afka Amxaarigga xoog ugu hadli jiray sababtoo ah; sida aan maqaalka qaybtiisa hore kaga soo sheekeeyay waxa ay qoyska balaadhan ee reer cabbi cawad bahdoona amase reer Dhamac Caabbi Cawad ku leeyihiin deegaano xarshin oo ilaa hadda qaybo qoysaska reer Caabi Cawad ama Reer Dhamac Caabbi ku dhaqan yihiin xarshin, taasi oo aanu Xasana ka madhanayn una sahashay inuu sida biyaha ugu hadlo afka amxaarigga qaybna ka ahayd aflixiisii inuu ka mid noqdo guutooyinkii usoo tababartay SNM, sidaana kaga mid noqday dhalinayaraddi halgan u noqotay dhinbiishhii lagu huriyay ee aakhirkiina horseedka ka noqotay inay si buudda ugu soo noqoto gacanta gobanimaddii dadka reer Somaliland, dhashadeen 1960 hase ahaatee ay la ambadeen xisbiggii SNL, kuwaasi oo aan ogayn cawaaqiib xumadda ka dhalan doonta falkaa gurracan ee aanay ogayn waxa ka dhalan doona.


 

 

 

Xasan mudo dheer ayuu ka mid dhaqdhaqaaqii waddanigga soomaaliyeed ee (SNM) garabkii milatari, waxaanu iiga sheekeeyay sheekooyin badan oo uu ku saabsan halgankaasi, waxaana ka mid ah sheekooyinkaasi sheeko ku saabsanayd nin sarkaal ahaa oo guutaddii Sayid Cali ee u ka tirsanaa mar madax u ahaa oo la odhan jiray janan oogo, kaasi oo ay aad u jeclaayeen askartii uu Xasan(Kayd) ka midka ahaa u xukumi jiray mar aan waydiyay waxa uu kaga duwanaa saraakiishii kale ee SNM waxuu i sheegay "inuu ahaa Janan Oogo sarkaal aan iska waynayn askarta uu xukuma la qaba waxa ay qabaan sad bursiimana aan doonin”, taas oo qalbigga xasan iyo askartii kale ee la guutadda ahayd ku beertay jacayl ay gaadaan sarkaalkoodda, taasina waa astaan wanaagsanoo lagu yagaan qofka caqligga badan ha ahaado sarkaal ama madax kale oo cid u talisa.


 

May 27keeddii 1988kii,ayay ahayd gudo soo galkii Snm, Xasan iyo guutaddi uu ka tirsanaa, waxa ay dagaal ku balaadhiyeen caddaadlay oo ay joogeen ciiddamo balaadhan oo xooggan oo ka tirsanaa xooggii dalka, halkaasna wacdaro ayaa ka dhacay aakhirkina Xasan iyo guutaddiisii ayaa guushii haleelay waana ciiddankii ugu horreeyay ee xabaddii ugu horraysa ka qarxiya dagaalkaa guda galka,iyaga iyo kuwii burco soo galay iyadoo loogu talo galay ciiddanka caddaaley weerary ee Xasan ka tirsanaa inay u diidaan inay gurmad ay u sameeyaan kuwii Burco ee iyagana ay 27kii May dagaalku ku haleelay burco, sidaa Xasan waxa uu kaga mid noqday geesi wax ka soo hooyay lib aan ciyaar ku timaadeen laguna heleen isaga iyo intii kale ee ay ku ahaayeen dagaal wadaagta ee ay isk bar bar dagaalameen


Haddaba Maqaalka oo aan jecelahay inaan soo af meero ayaan jecelahay inaan idhaa, Xasan Dhamac Caabbi waxa uu ahaa geesi wax kas o o dhiciyay libta ay maanta Somaliland ku faanayso isla markaana waxa uu ahaa geesigayagii reer Cawad Bahdoon Iidle.

Qore: Cabdi Muxumed

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...