Muusow Dadka iyo Dalku wax lagu Ciyaaro maaha ee Oho ka Dheh!

0
Saturday December 30, 2023 - 11:57:46 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muusow Dadka iyo Dalku wax lagu Ciyaaro maaha ee Oho ka Dheh!

    Muuse Haduu Qof Caqli Saliim ah Leh yahay Judhiiba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Haduu Qof Caqli Saliim ah Leh yahay Judhiiba


Waxa aynu Jirnaa oo ku Jirnaa Qarnigii 21aad oo aduunkii noqday XAAFAD ama Ardaa lawada Kullaallaayo ama Edeg iyo Mareeg iyo Qool lagu wada jiro Hore waxa la odhan jiray War xumi Dugsi ma Fadhiisto, hada se waa War Xun Hadadiiba Dhalada ama Quraarada ama Qarshada adigoo Aqalkaaga jooga ka Daawo oo ka Dhugo oo ka Fiirso ama ka Dheeho (Moobaalka) Hadadiiba!.



 

Hadaba Aduunka Qarnigan 21aad Wax qarsoon ayaa iska yar oo wax walba oo dhacayaa War la qabaa xiiso malaha weeye, ee Ma Muuse Biixigii Qarankii isku Duubnaa ee isku Dhaabnaa ee Dhisnaa Cudud iyo Saanad ee Nabdoonaa ee Cid is haysata daaye Cid Jaafaa-Jirqaysaa aanay Jirin ee Dhulkeena Nimcaa Fadhida ku wada Subcinaayey yar iyo weyn, ayaa Muuse Mudadii uu Xilka Hayey Colaad, Dil, Shacab-xasuuq, Haween ku durdurin, Dhaqan iyo Diin biis oo Hablo Catrado ah oo Guryahooda inta lagala baxo lala tago MAGAALOOYIN kale oo lagu xidho, Dagaal, Qabyaalad, Burbur, Dhimasho iyo Dal kala Go’ noqday, iyo Kumanaan Wiil oo waalidkood kusoo tabcay oo markii ay iskuuladii Dhamaysteen ee waalidkii dhalay ay waxtarkooda u Haamo Tolanayeen oo u Dhiil Culanayeen ayuu intuu Dharaar gawaadhi ku guray ayaa Jaan iyo Cidhib meel ay dhigeen la garanahay Marka laga reebo wax yar oo RAQDOODA oo laysku sasawiraayo siday Ugaadh la dilay yihiin oo Mareegaha lagu arkay iyo Dhalinyaro sidii gawaadhi loogu jiidaayey saantii iyo jiidhkii dhagaxu cunay oo Lafo cadcad dhamanadoodii iyo dhafooradoodii noqdeena Shaashadaha lagu arag, Se Muuse Dadka uu Caruurtoodii uu Daawaha saaray ee Boqolaalka qoys uu GOBLANKA ka dhigay Dharaar qudha inta uu isasoo hortaagay ugamuu waramin Halkuu geeyey Ubadkoodii iyo halkay ku dhinteen iyo in La aasay iyo in Bahaladu ka hirqadeen toona.


 

Sidoo kale Qarankana intuu isasoo Hortaagay Muu u sheegin Saanadii Ciidan ee Inta SODONKA sano ka badan la dhisaayey in Sacad iyo Sodon mirir lagu waayey hubkii iyo inkabadan 200 00 mayl oo Dhul ah.


 

Muuse Haduu Qof Caqli Saliim ah Leh yahay Judhiiba si Sharaf iyo Karaamo leh ayuu u odhan lahaa Waar Qarankii Waan Fashiliyey ee Ruux inta ka Hadhay Astura u Doorta, Se Muuse Afka ayuuba sii Taagayaa oo inay Wax aan wanaagsanayn DHacay Maba Garrowsana, oo inuu Fashilmay oo Jamhuuriyadii Barakaysnayd Ee Cirka maraysayna intuu Fashiliyey oo Sagxada dhigay Dalkii Qaranka ahaa Ma DHaadana, Ee Malaha Madaxweyne Muuse inaba Caadi Ma aha!, Waar miyeydaan Arkaheen Dhulkii Jamhuuriyada barakaysan ee shalay uu Ubadkiinii intuu ku Daabulay Dib loo Arag Maantana Dhulkii isaga ahaa SSC iyo SSB ayuu leeyahay wey isku dagaalayaan oo Meeyey Dhulkii Jamhuuriyada barakaysan ee uu Ubadkiina ku Laayey?, tan uu se lasoo oogsaday ee uu leeyahay Dagaal baanu ku jirnaa iyo Dagaalbaan Qaadayaa soo kii Markii la lahaa Waar Muusow Dadku waa isku mid e waan waan gal yidhi sidii Askarigii Gardaadiyey Maya awood iyo Ciidanbaan wax ku xalinayaa!, Muusow Adiga iyo kuwan Baarlamaan isku sheega ah ee adiga oo Ubadkii aad xasuuqday ka waramin leh qasab ayaa ubad kale Muuse loo siinayaa siduu ka yeelo Sidii kuwii hore kayeeley!.


 

Dalkii iyo Jamhuuriyadii Barakaysnayd Dadkeenii Qoorta ayuu isku wada geliyey si dhiig u qubto oo uu u yidhaahdo Collaado ayaa jira oo waan sii fadhiyayaa, Bal eega tuu Awdal iyo Sillil uu ka qoondaynaayey ee lagu fahmay, Bal Dhiiladan Sanaag ee Ceel afweyn ee Maalin walba hoosta laga Hurinaayo!, dhiigtii ku qubtay Burco iyo Togdheer ee in Dogob lasaaro la rabay ee Alle bakhtiiyey Daya, Mayd Maxaa ugu Danbeeyey ayaa layidhi iyo Kaa lasiisido, Dhacdadii Naaso-Hablood ee muranka Dhulka salka ku haysay ee Halkii sidii Dhaqanka inoo ahayd Aayarta in lagu xaliyo ahayd ayuu Si Xabad iyo Xaal uga Abuurmo Caasimada lafteedana uu Ciidamadii Qaranka uu RRU yidhi Iyaga oo Hurda hala hadlina ee Mirta oo uu ku xasuuqay Rag Qaranka Abaal ku lahaa oo aan la ilaawi karin lana illaawi doonin se Hargeysa Haka Qaraxdo ayuu islahaa ileen inaba Caadi Madaxweynaha iyo Askarta Xulafada yihiin Ma ahe, se Hubaal Dalka wixii Daraf ilaa Daraf ka dhacay Heegta Jamhuuriyada barakaysan ayaa Maalin aan Dheerayn Hubaal Lasoo Taagi ee wixii wax geystow Abshir. .


 

Hadal iyo Dhamaan Muusow Aduunka Ruuxii Madax ah ee Guul daro lasoo daristaa Judhiiba xilka wuu iska dhiibaa si Sharaf leh se adigu malaha Magaca San ee ku raacaya Magac Xumada ayaad ka Doorbidaysaa, Mida kale Muusow waxa layidhi QOWLAAWE WAA DIIN LAAWE, sowtii laysku ogaa in Doorasho dhacdo waa maxay Dirirta iyo Dagaalka aad sheegaysaa Sowtii Aad Dalka Soo jabiyey ee Dhalinyaradii Dalka Haada iyo Dhurwaa ga u loogay ee Hubkii 32ka sanadood la uruurinaayey kasoo Hangagaaray, Waa maxay Dagaalka aad qaadayso ee aad sheegaysaa?, Hubaal inaba Caadi matihid Mudane Muusow, se Dadka ku arkaaya ee ku eegaya ee Howraarsan ku leh iyana kaadaran Runtii, Diinteena Suuban waxa u Sal ah Run iyo Run isku sheeg oo waxa laynayidhi RUNTA ISKU SHEEGA HADAY DACAR KA QADHAADHAY!, Markaa Mudane Muusow Dadka iyo Dalku wax lagu Ciyaaro maaha ee OHO ka Dheh!.


 

Muuse Looma Ooyaan

 

Oo Lama Aasaan

 

Ayuu Dhalintiinii kayeelay.

 

Khadar Hooyoley (Fartaag).

 

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...