Sodon guure Saru Dhaafnay,Sebigina Daryeel Waaye,Siidhi Tumanay Buur Saaray,Waxana Noogu Socon Waaye.

0
Saturday December 30, 2023 - 11:54:22 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sodon guure Saru Dhaafnay,Sebigina Daryeel Waaye,Siidhi Tumanay Buur Saaray,Waxana Noogu Socon Waaye.

    Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayasha.



Bismillahi Alraxmaan Alraxiim[A.S.C.W.R.W.B]

 



 

 

Seben Akhir Inay Tahay,Socoshada Colaadaha,

 

Seefaha Iyo Soodhkiyo,Saydheere Laga Tegay,



 

Suugaga Iyo Sayruuqa,Sahalka Lagu Helayayo,

 

Samadaa Wax Duulaya,Sanku Neefleh Saarayn,


 

Sun La Quushay Lagu Qado,Sixun Loo Adeegsnyo,

 

Saacadii Dhmaynaysa,Saldhig Ciidan Gebigiisba,


 

Salguurto Aduunyadani,Socotayo Ma Joogayso,

 

Seermawaydo Iyo Dirir,Saac Cirkiiba Laga Wayo,


 

Sudhan Yahiin Abaaruhu,Soofahaynin Xoolahuna,

 

Silic Iyo Maryaad Taagan,Soomaaliaan Moogtay,


 

Suurka Iyo Dhawaaqiisa,Siidhigu Markuu Yeedho,

 

Sugayaan Sirqabayasha,Sahan Iyo Horseedkenu,


 

Saddexdaas Islaamood Bay,Soomaalilaan Eeday,

 

Sool Haddii La Sii Daayay,Samaroona Guuxayso,


 

Sokeeyina Kala Guuray,Selel Gaadhay Xaalkeenu,

 

Samirkeena Beenobay,Soofdaran Haboowgeenan,


 

Siyaasiga Ma Aminayo,Suldan Talo Ka Soconweday,

 

Sacab Laysu Tumimayo,Suudh Laysy Xidhan Maayo,


 

Saadaalo Kama Quusan,Sidanina Si Wacan Ma Aha,

 

Sodonguuradii Dhaaftay,Sebigiina Daryeel Waaye,


 

Sarakaca Dadweynahuna,Saldhyada La Buuxdhafin,

 

Siidhi Tumanay Buur Saaray,Sawraca Bedeli Mayo,


 

Suga’uun Siduu Yeelo,Ama Soodhka Dalandoosha,

 

Suuf Aloolna Soo Ciliya,Soolba Qaar Ka Soo Dooge.


 

Ismail Abdilahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...