War-murtiyeed Laga Soo Saaray Wada-Hadalladii Somalia Iyo Somaliland
Wada-hadallada Jabuuti
uga socda madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa lasoo
geba-gebeeyey, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban sideed qodob.
Wada-hadallada ayaa
waxaa kala hoggaaminayey madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan
Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana goobjoog
ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti lsmaaciil Cumar Geelle.
War-murtiyeedka waxaa
ku saxiixan Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed
Macallin Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.
Haddaba hoos ka aqriso
war-murtiyeedka
War-murtiyeedka Shirka
Djibouti ee wadahadalada Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda
Somaliland.
Ayadoo laga ambaqaadayo
dardargelinta Geeddi-socodka wadahadalada Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo
Dawladda Somaliland ayaa waxaa shir socdey taariikhda u dhaxeysa 28 - 29
December 2023 isugu yimid dalka Djibouti laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdl isla markaana uu goobjoog ka ahaa
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md. lsmaaciil Cumar Geelle.
Wadahadal iyo dood
dheer ka dib waxay labada dhinac isla gaadheen qodobada soo socda;
1. In dib loo bilaabo
geeddi-socodka wadahadaladii u dhexeeyey labada dhinac, ayadoo diiradda lagu
saarayo, saldhigna'looga dhigayo arrimaha masiiriga ah si loo gaadho xal-waara.
2. In labada dhinac ay
muddo 30 maalmood gudahood ah ay isla meeldhigaan hannaanka geeddi-socodka
(Roadmap) wadahadalada arrimaha masiiriga ah isla markaana la soo magacaabo
guddiyo farsamo oo arrimahaas fududeeya.
3. In labada dhinac ay
si wadajir ah u fuliyaan heshiisyadii lagu gaadhay wadahadalii labada dhinac
horay ugu dhexmaray; Ankara (April 2012), London (June 2012), Ankara (April
2013), Istanbul (July 2013), Istanbul (January 2014), Djibouti (December 2014),
Istanbul (March 2015), Ankara (April 2016) iyo Djibouti (June 2020).
4. In garowshiyihii
dawladihii Soomaaliya ay ka bixiyeen dilkii, gaboodfalladii,iyo burburkii
dawladdii mileterigu ay ka geysatay Somallland (gobollada Waqooyi) la sii
adkeeyo ka garaabiddiisa.
5. In labada dhinac ay
iskaashi buuxa ka yeeshaan dhinacyada amnIga, la dagaalanka faldambiyeedyada
abaabulan ayadoo ay xiriir buuxa ka yeelanayaan arrimahaas hey'adaha u
xilsaaran.
6. In goobaha iyo
gobollada ay colaaduhu ka jiraan nabad Iyo xasilooni lagu soo dabaalo, isla
markaana la joojiyo ayadoo loo marayo dhaqankeenii soo jireenka ahaa ee
Soomaaliyeed.
7. In labada dhinac ay
ka fogaadaan hadallada, qoraaladda iyo wax kasta oo wax u dhimaya Jawiga
wadahadalada ee socda.
8. Labadi wafdi ee ay
kala hogaaminayaan labada madaxweyne ee Dowladda Somaliland iyo Dawladda
Federaalka Soomaaliya waxay si mug iyo miisaan leh ugu mahadnaqayaan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane lsmaaciil Cumar Geelle, dawladda Iyo
shacabka aan walaalaha nahay ee reer Jabuuti martiqaadka, soo dhowaynta Iyo
daadihinta shirarka labada dhinac. Waxayna ku boorinayaan madaxweynaha inuu
arrintaas sii ambaqaado.
ALLAA MAHAD LEH