Maxaa Lagaga hadlay Kulanka CIRRO La Yeeshay Haldoorka Xaafada Jigjiga Yar?
Murashaxa Madaxweynaha
Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Cirro Oo Fagaare Furan Kula Kulmay Haldoorka
Xaafada Jigjiga Yar.
Murashaxa jagada
Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa
Makhaayada caanka ah ee Art Coffeee ee Xaafadda Boqol Jire kula shaxeeyay
Salaadi Jimce ka hor, haldoorka Xaafaddaas.
Murashax Cabdiraxmaan
Cirro oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani, waxaa goobtii uu
ku sugnaa ee Art Coffee soo buux dhaafiyay odayaasha waxgaradka ah Xaafadda. Waxaana ka muuqatay Odayaashi
goobta ku sugnaa xiiso badan oo ay u qabeen la kulanka Murashaxa Madaxweynaha.
Todobaadkii u danbeeyay
Murashax Dr. Cabdiraxmaan Cirro wuxuu goobo furan maalmaha Jimcaha kula
kulmaayay Shacabka Degmooyi ka 26-June iyo Ibraahim Koodbuur.