DEG DEG Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Socdaal ku Tegaya Taiwan.

0
Thursday December 28, 2023 - 08:56:11 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Socdaal ku Tegaya Taiwan.

    Sidoo kale wuxuu Guddoomiyaha Komishanka Somaliland..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale wuxuu Guddoomiyaha Komishanka Somaliland..


Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, ayaa shaacisay inuu dalkeeda socdaal rasmi ah ku tegi doono Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf.


 

Wasaaradda arrimaha dibedda Taiwan waxa ay sheegtay in Guddoomiyaha Komishanka Doirashooyinka Somaliland uu dalkaas booqasho rasmi ah ku tegi doono Taiwan 3 January 2024, waxaanu socdaalkiisu qaadan doonaa muddo lix maalmood ah, waxana lagu wadaa inuu kulamo la yeellan doono Wasiirka Arrimaha Dibadda Joseph Wu, Komishanka Doorashooyinka iyo Wasiirro kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Taiwan, si uu xog uga helo nidaamka iyo shuruucda doorashooyinka Taiwan.



 

Sidoo kale wuxuu Guddoomiyaha Komishanka Somaliland booqan doonaa laamaha dawladda Taiwan ee iskaashiga wada sgaqeyneed la leh guddida Doorashooyinka dalkaas.


 

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan waxay tilmaantay inay Somaliland ka dhexeeyo cilaaqaad iskaashi, iskana shabaha dhinaca dimuqraadiyadda.


 

BooqashadaGuddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee Taiwan ayaa ku soo beegantay iyadoo 13ka January au dalkaas ka dhacayso Doorashada madaxtooyaddu.

Loading...
Loading...