Liiska Mashaariicda Loo Bixiyey Abaal Celinta Malaasan ! Somalilandmiyaa La Wada Leeyahay Mise Waa La Kala Yeeshay?

0
Saturday July 06, 2019 - 10:36:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liiska Mashaariicda Loo Bixiyey Abaal Celinta Malaasan ! Somalilandmiyaa La Wada Leeyahay Mise Waa La Kala Yeeshay?

    Qalinkii A/Rahman Fidhinle UK

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii A/Rahman Fidhinle UK
Maadaama Madaxweyne Muse Biixi Abdi uu qiray in aanay dalka jirin Xeerka iskaashiga dawlada iyo ganacsiga gaar ka ah ( PPP Act ).

A)- Maadaama aanay jirin Xeerarka iyo xeegaanada Maalgelinta Madaniga ah ee lagu wareejin lahaa Kaabayaasha Dhaqaalaha Dawlada.


B)- Maadaama aanay jirin Xeerarka Maareynta iyo Maalgelinta Hantida Guurtada iyo ma guurtada ee qaranka Somaliland.

C) Maadaama aan loo cuskan wareejinta hantida qaranka ee hoosexeer-nidaamiye dawli ah ooummadda u qeexaaya waajibaadka masuuliyayeed ee saaran shirkadaha la siiyey qandaraasyadaa kala duwanama laguwareejiyey hantidii ma guurtada aheyd ee ummadda Somaliland wada laheyd.

D) Maadaama yoolka Shirkadaha lagu wareejiyeyaanay ku saleysneyn istiraajiyad qaran oo xukuumadu ku leedahay saamiyo badan oo waafiya.

E) Maadaama aanayjirin heshiisyo marag-gal iyo marag-fur ah oo ku saleysan tiir sharciyeed heshiis laba dhinac ah.

F) Maadaama aan loo marin hab-wareejintoodii tartan hufan oo xor iyo xalaal ah ( fair competition) oo ummadda iyo ganacsatada dalka oo dhan loo soo bandhigay-Waxaa dhamaan Heshiisyadan Hoos ku taxanlagu bixiyeyil-duuf sharci, taa soolagu-tagri falay hanti qaran iyo Kaabeyaal dhaqaaleoo qaranku wada lahaa, sidaa daraadeed waxaa dawlada madaxweyneMuse Biixi looga fadhiyaa in ay dhamaan hantidii dawlada eehore loobixiyeyiyo dhamaan mashaariicdan hoos ku taxan eedhawaan la bixiyeyindib loo eego oolagu soo celiyo gacanta dawlada iyo kefedii miisaanka aheydee sharciga aheyd.

Ummadda Somalilandkuma qanacsanain mashaariicda yar yarna gudida qandaraasyada la geeyo oo mikirifoonada lagaga adimo

Mashaariicda Waaweyn ee muga lehna Maquuuno iyo Abaal celin malaasan laysu siiyo oo daaha dabadiisa lagu dhameysto.

  1. Rusqada mashruuca soo saarista milixdaee shirkada Salternas LTD ka wadoGalbeedka Berbera oo loo xidhaayo dhul gaadhaya 150km (lama naadin )
  2. Rusqada la siiyey Shirkada MSGsi loo scan gareeyo shixnadaha ka soo dega Dekeda Berbera( Lama naadin ganacsatadiidalbatayna waa laga eexday)
  3. Mashruuca Baaxada leh ee shirkada Hadhuubay GPS-ka Caasimada Hargeisa iyo nawaaxigeedaugu sameynayso ( lama naadin )
  4. Mashruuca Jufo Nuur Companyeeqandaraaska lagu siiyey dhismaha Balaadhinta Wadada Berbera Corridor ( lama naadin )
  5. Mashruuca Ali Waraabe Construction company lagu siiyey dib u dhiska Wadada Berbera Corridor ( lama naadin )
  6. Mashruuca Guleed Engineering company ee lagu Siiyey dhismaha balaadhinta wadada Berbera Corridor ( lama Naadin )
  7. Mashruuca Guri Barwaaqo Construction company ee lagu siiyey Balaadhinta Wadada Berbera Corridor ( lama Naadin )
  8. Mashruuca baaxada leh eedhismaha wershada sibidhka Berbera ee ay ku heshiiyeen labada shirkadood ee MSG groups iyo SAOG ( lama naadin)
  9. Ruqsada Mashruuca Somaliland Heath and Nutrition programme ee ay Malaayiinka dollar ku maalgeliso Dawlada ingiriiska ( DFID-UK)Far baa ku godan !
  10. Mashruuca dib u habeynta shaqaalaha dawlada " Civil Servant Reform Project " oo World Bank ku bixisay $10 Million dollar. Far baa ku godan !


Danta guud ee JSL waxay ku jirtaa mar walbain sife cadaalad ah loogu qaybsado midhaha dawladnimo, siloo helobadbaado qaranwaa in qandaraasyadan badan ee sare ku taxan laga dabo tagaa oo dib tendherloo wadageliyaa,ootar tan xor ah oo xalaal ah loo soowada maraa cidii ku guuleysatana la siiyaa ama gacanta dawlada dib loogu soo wada celiyaa.

Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan. Hadii sinaan iyo cadaal la waayo oo wax lawada yeelan waayo waxaa dhici doonta inwax la kala yeesho


"Anigu Daaha Kama Roginee dadkuba wuu arkaayaa.! Shacaboow ...Tiraa Kaa gedmane ....wax isu ...gey... geyso" !

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

  1. Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw fiiq
    Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
    Qalinkii : A/rahman Fidhinle
    Qoraa Madax banaan
    Intensive ED BD PA
    United Kingdom
    London

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...