EY-da Hargeysa iyo M.biixi ( Ali Biixi)

0
Wednesday December 27, 2023 - 14:50:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 999
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    EY-da Hargeysa iyo M.biixi ( Ali Biixi)

    Ey-da Hargeysa ayaa ka run sheeg badan M.biixi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ey-da Hargeysa ayaa ka run sheeg badan M.biixi.

Nin caan ah ayaa Gabadh qurux badan ku guursaday waxa la yidhaahdo (qodbo siri) guur qarsoodiya.
Sidaas ayay ku wada heshiiyeen.


Guri ayuu u kireeyay
Markii uu 3 bilood qabay ayuu yidhi: naa waad furan tahay, ee iska tag.
Waxay ku tidhi: ma xuma hadii aad sidaas garatay ee meherkaygii isii.
Waxa uu ugu jawaabay: meher iguma lihid ee iga bax.



Waxay u tagtay wadaadadii maxkamada ee magaala Hargeysa oo arinkii u sheegtay iyo dacwadeedii.


Qaadigii waxa uu u yeedhay Ninkii iyo 2-dii Nin ee markhaatiga ahaa.


3-doodiiba way dafireen arinkii iyo inaanay gabadhan garanayn , waxa ay sheegaysaana ay been tahay.


Qaadigii ayaa waxa uu waydiiyay gabadhii: Guriga uu kugu qabay Ninkanu Ey ma joogtay.
Haa bay tidhi.


Qaadigii inta uu gabadhii ku daray 2-ba nin ayuu yidhi: gabadhan guriga ay sheegayso u raaca , oo albaabka Ey-du joogto ka geliya, oo eega waxa Ey-du samayso.


Hadii ay Ey-du ku qayliso (Been bay sheegaysaa) ,
Laakiin hadii ay Ey-du ku soo cararto oo aanay ku ciyin (nimankanu iyagaa been sheegaaya).


Gabadhii ayaa gurigii la geeyay oo Ey-dii ku soo carartay oo soo dhaweysay.


Qaadigii waxa uu amar ku bixiyay in la xidho 3-doodaba (Nin) oo meherkeediina gabadha uu bixiyo .


Markaa Ey-da ayaa ka abaal wanaagsan M.biixi. iyo kuwa la midka ah ,
Oo dadkii doortay ugu abaal naqay (dagaalo sokeeye iyo xadhig - xasuuq- dil - car juuq dheh) .


Dadkiina been iyo aamus iyo isqaris ayuu xaalkiisii noqday.
Ilaa iyo maalintii uu ciidankii qaranka jebiyay.


Markaa dadka qaarkood Ey-da ayaa ka run sheeg badan oo ka wanaagsan.


Ey-da Hargeysa ayaa ka run sheeg badan M.biixi.

Cali Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...