Caano Duli Ninkii Dhamay, Mar Bay Cunaha Kala Goyn ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday December 27, 2023 - 10:28:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caano Duli Ninkii Dhamay, Mar Bay Cunaha Kala Goyn ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Ceeb Weeye Geellaw, Ninkii Soo Calaacalaye!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Ceeb Weeye Geellaw, Ninkii Soo Calaacalaye!


Waxan u soo qalin qaatay subaxan saaka ah " Qaar baraha bulshadd" ka qayliya, oo ay adeeg-sadaan, kuwo marka dhalii-shoodda la sheego iyo xumaanta ay samaynayaan, oo magac beeleed loogu maqaar saaray, si ay lugta ugu qabtaan, maamulka askarta ee " Ragii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximan" kaas oo ka dhisan " Xaafad-tooyadda Hargeysa" ( Waa Guriggii Moorgane) kuwaas oo ku ceesha magac reer, laakiin aan lugooyo mooyee aan wax ay u qabtaan jirin, marka la yidhaaho joojiya waxaas-na, ku ordda jifo hoose oo ay ka soo jeedaan, kuna yidhaaha " Jifa-deena baa wax la yidhi" iyaka oo doonaaya in ku gasaan-gasaan, kuna hoos qariyaan mareegta ay u maleegayaan iyaka laf-toodda laakiin-se aan la ogaanin, siddii ay dadka ka hoos bixi karaan, wax ay u taraana aanay jirin haba-yaraatee. waxan leeyahay Kuwa noocaas ah, askariggii dabadda buu xaytay, soona noqon maayo, ee meel sii daydaydda, wax idiin qarsoon baan jirin-ba, ee ma waxa magac idiin samayn doona, afarta aad kolba qado maalin ah u soo qaadaan, ee aad caloosha ayaan-taas u soo buuxi-saan, intaad soo cabaysaan, Bal hadda inta aanan idinku sii fogaan, ila akhriya maansadan gaaban ee hoos ku taal, taas oo si wacan u sharaxaysa, xaal-kiinu waxa uu ku sugan yahay, waa tane:-



 

Intee baad u ciidamin, calooshaadda keliyoo

Cad-quudheedka aad cuni,cadaw kugu adeeg-sani,


Reerka ciil u soo hoyn, aad curyaamin beeshoo,

Calaf raadis aad noqon, cunto kugu gaxaysani


Caana-haaga kii qubay, caara-dhuubta kula dhacay,

 

Hadaladda cambaarta ah, kugu caayey ee yidhi


Anigoo cid dili kara, duco uma calaacalo,

Cayn-kaas nin kugu yidhi, ka cad-gooso mooyee,


Ma cayn kalaaba kuu furan, aad ku ceeshtid Magacee,

Iska celi bal nacab-koo, cududaadda haw jebin,


 

Colaad-daadda ha ka baqo, cagta yuu ku hoos gelin

Cisi midaan lahayn iyo, cabaad-dheere xaliyoo,


Weli-giiba caday jebin, cimri-giisa oo idil,

Kob cagaar leh aan iman, cinjir aan mar kala goyn.


Caamiye in aad tahay, calan-kaad u lulaysaa

 

Ruuxii canaantiyo, kugu sheega camal xumi,


Caada-qaata-nimadaba, wuu i caayey baad tidhi.

Cadceeddii timaada-ba, ciil kama koraad tahay,


Ay ka carceertay Sharaftii, Loo diro cidiisoo,

Canka subag u mari-yeen, leefaaya carabkoo,


 

Tuug wuxu calaaliyo, cimiriggii ku nooloo,

Cidda kii run sheega-ba, cirir lagu salidayoo,


Celiyaay la leeyahay, caano duli ninkii dhamay

Mar bay cunaha kala goyn, calooshiyo midhi-crikoo.


Cudurkuu abuuraa, cawayskii u soo dhici

 

Cagta waaga subixii, Iyadoon cadceed jirin,


Culays dhididka uu qubi. caaqii la door-saday.

Cayub-yaw la qaatee, kolba gees u cararaa.


Adgaa is ciijaye, Marka cunaha lagu jaro,

Ee cabiidka aad tahay, lagugu sii cariig-sado,


Cashar wakhtigu kuu dhigo, hay soo calaacalin.


 

Waxan ku soo xidhay, qoraalkan, Ceeb weeye geelaw ninkii soo calaacaley, hees ay qaadi jirtay, Illaah ha u naxariistee  Fanaanaddii" Khadra Daahir" Baa waxa ka mid ahaa ereya-deedda " Bukaan

 socodka liitaa, dadka waa ku badan yahay"Waa kuwa uu ka hadlaayo maqaal-kuye, Waxan leeyahay oo aan u sheegayaa, wuu yaqaanaa askarigu, cidda uu ku shaqaysan karo iyo kuwa aanu ag-toodda ka soo wareegi

 karin, inta xaaraanta la quudan karta ee uu isticmaali karo, sidaas awgeed, way dhawdahay ayaanta uu idin eryayaa, marka uu idinku dan gadho, ee uu tiisa idinku qumisto, una fulisaan arimaha u gaarka ah, ilayn idinka

 iyo isagu mid-kiina dal iyo dad naf uma hayo, ee waxad meesha u joog-teenba waa " Booba yaa wadani" Waxase hore loo yidhi " Hadii culumaddii oo fadhidda, calaqad loo yeedho, Ragu wuu cawdaa, dumar-na waa

 kuwii calaacala'e, cosob daaqa geelane, mar baa ciin u weheshaaye, baduba mar bay caaridaa, oo ciidda la arkaaye, carshiga-ba mar baa laga xidhaa, caabudiin-taba'e, Cagtii joogsan waydaa, mar bay ceeb la kulan-

taaye" Waa sidaase, ma foga goorta, marka uu idinku meel gaadho askarigu, uu dabadda idinka laadayaa, ee sii ogaadda kuwa aan la hadlayaw, imika calooshiina baad la ciyaaray-saane, wayse faaruq doontaa mudo aan

 sii ridnayn, ee ku tallo galla, idinka oo ay weiiba idiin sii dheer tahay, beeshii magaceedda lagugu masruufi jirey, oo aanad soo dhex geli karin, ee mar-kaas yaa aydin u ciirsan? Kolka aad cidlada ku ban-jartaan iyo bankii giriyaad dhex-diisa.


* N.B Ceeb Weeye Geellaw, Ninkii Soo Calaacalaye!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...