Halkee Ayuu Ku Danbeeyey Ciyaaryahankii Reer Afrike Ee Yaya Toure?

0
Saturday July 06, 2019 - 10:32:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee Ayuu Ku Danbeeyey Ciyaaryahankii Reer Afrike Ee Yaya Toure?

    Laacibkii hore ee dhexda uga ciyaari kooxda Manchester City,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibkii hore ee dhexda uga ciyaari kooxda Manchester City,

 ayaa ku biiray kooxda Qingdao Huanghai oo ciyaarta horyaalka heerka labaad ee China-ha.


36 jirkan ayaan wax koox kale ah u ciyaarin kolkii uu soo dhammaaday heshiiskii u ku joogay dalka Giriigga ee uu ugu ciyaarayay kooxda Olympiakos.



Ciyaartoygan kubbadda Afrika sida weyn looga qaddariyo ayaa iska diidey inuu ka fadhiisto oo hawlgab ka noqdo kubadda cagta isagoo beeniyey wararka sheegaya inuu dhanka maamulka u wareegay.


Waxaana uu sheegay mar uu hadlayey: ''tan iyo markii aan bilaabay waayahayga kubbadda cagta waxaan jeclaaa, inaan tijaabiyo wax cusub, la kulmo caqabado cusub, sidaa darteed haddana waxaan mar kale taariikh ka dhigi doonaa kooxda Qingdao Huanghai.''


Wuxuuna intaa ku daray Toure ''ma sugi karo, tan iyo intaan markale kubbad fiican ku soo bandhigi doono kooxdan.''

Kooxdan lagu magacaabo Qingdao ayaa ka mid ah kooxaha ugu sarreeya horyaalka Chinaha laakiin aan ka ciyaarin ciyaaro heer caalami ah.


Dhanka kale waxay ahayd toddobaadkii tegey, markii tababare Rafael Benitez uu iskaga tegey kooxda Newcastle isagoo aaday dhankaa horyaalka China-ha.


Yaya Toure, muddo badan ayuu ahaa laacibka Afrika, iyadoo lagu xasuusto awooddiisii, muquunintiisii, iyo kubbad dhiibistiisii aan leexsami jirin marka uu ciyaarayo kubbadda cagta.


Toure, wuxuuu koobab badan kula guulaystay kooxda Manchester city iyo xulkiisa Ivory Coust oo sannadkii 2015-kii kula guulaystay koobka Qaramada Afrika, koobkaas oo uu hore isagu deyey lix jeer oo hore BasLe ugu danbayn uu qaaday.

BBC.

Loading...
Loading...